Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Ku Baaqay In Wacyigalin Damiirka Dadka Lagu Soo Celinaayo la Sameeyo

Hargeysa(SLpost)-Gudoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali ayaa sida fiinta uga qaliyay in uu burburay dhaqanka bulshada Somaliland oo dadka dacwaduu ay ka soo galaan maxkamadu ay doonayaan gar iyo gardaraba in waxii ay u yimaadeen loo xukumo.

Waxa uu gudoomiyahu ku baaqay in loo baahan yahay in shacabka la wacyi galayo si damiirkooda dib loogu soo celiyo, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Waxyaabaha noogu la yaabka badnaa waxa weeye dadkeennii way is bedaleen, qof waliba waxa uu doonayaa xaq iyo xaq darraba in loo xukumo isagoo qiraya in aanu meelna ka soo gelin kiiskaas, haddana toban sanno dacwad ku jirayaa. Waa in bulshadda laga wacyi geliyaa arrintan oo damiirkii la soo celiyo. Waxa aad arkaysaa qof 200km oo isku weera oo miyi ah oo dhul daaqsimeed ah oodanaya. Markaa qofka sidaas u dhaqmayaa halkee ayuu ku socdaa?”Ayuu yidhi Guddoomiyaha maxkamadda Sare.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in gobolladii ay socdaalka ku tageen ay ku soo arkeen waxgarad aan ciddii wax dulmaysay ka qabanaynin. “Ummadda dhaqankeedii baa is bedalay, Garsoorka oo kaliyi waxba kama bedali karo. Waayo bahda Garsoorku dacwad uun bay qaadayaan.waxa jira in qofkii gardarnaa aanay waxgaradkiisii qabanaynin ee ay taageereyaan aad arkaysaa,”ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali Axmed.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare waxa uu bogaadiyay hanaanka ay bulshadda ugu adeegayaan Garsooreyaasha maxkamadaha Sool iyo Sanaag, waxaanu yidhi “Waxyaabaha kale ee wanaaga ah ee aanu la yaabnay waxa ka mida. Dad cidlo fadhiya oo aan agab haysan oo aan dhaqaale haysan oo haddana cadaalada ay samaynayaan iyo sida ay u shaqaynayaan aad yaabisid ayaa jira. Garsooreyaasha maxkamaddaha Sool iyo Sanaag, iyagoo duruuf adag ku shaqaynaya haddana waxaan ku ammaanayaa inay kala dambaynta iyo sharcigu ahaa mid shaqeynaya.”