Gudomiye Ciro Oo Ka Qeyb Galay Caleemo Saar Loo Sameeyey Suldaanka Guud Ee Beesha Guuyoobe ( Ciida-Gale )+Sawiro

Hargeysa (slpost):- Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee  Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro isla markaan ah gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu maanta ka qeyb galay caleemo saar loo sameeyey suldaanka guud ee beesha Guuyoobe (Ciida-Gale)

IMG_3310

Gudoomiyaha oo saaka subax safar kaga jarmaadey magaalada Hargeysa ayaa waxaa safarka ku  wehelinayey saraakiil sar-sare oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana ay ka qayb galayeen caleemo saarka Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Cabdilaahi (Galaal),oo lagu caleemo saarayo tuulada Qotondabo ee bariga magaaladda Hargeysa.

IMG_3152

Wefdigan uu hoggaaminayo guddoomiye CIRRO,ayaa waxay soo dhaweyn ballaadhan kala kulmeen shacabka tuulada Qotton-dabo,waxaana ay ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan.

Salaadiin,Wax-garad iyo cuqaal ku soo dhaweeyey guddoomiye Cabdiraxmaan CIRRO,iyo wefdigiisa tuuladaasi ayaa u galbiyey goobta uu ka dhacayo caleemo-saarka Suldaanka Guud ee Beelaha Maxamed Daa’uud (Guuyoobe),oo ka dhaceysa deegaankaasi ee Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Cabdilaahi (Galaal).IMG_3131

Gudoomiyaha oo madashii ay xaflada caleemo saraaaku ka dhaceysay hadalo kooba ka yidhi ayaa waxaa uu suldaankan da dayar alleh uga baryey in uu ku asturo xilkaas maanta loo comaamadey waxana uu yidhiIMG_3267

“Waxaan alleh ka baryaaya in suldaan Maxamed Cadilaahi in alleh u naxariisto suldaanka cusubna dar daaran odhan  maayo oo intii la yidhi baa ku filan odeyaal  iyo waayo arag baa hadley .

Ibraahim na waan la qabaa oo da,yaraan ma jirto basle in gacanta la qabto waa waajib  markaa munaasibadu maadama oo munasibad dhaqan tahay wax  kale anigu ku dari maayo maanta ” ayuu yidhi Gudoomiye Ciro

IMG_3152 IMG_3131 IMG_3116 IMG_3113 IMG_3109 IMG_3102 IMG_3076 IMG_3073 IMG_3062 IMG_3055 IMG_3047 IMG_3046 IMG_3042 IMG_3039 IMG_3032 IMG_3028 IMG_3023 IMG_3016