Gudomiyaha Tuulada Karin Oo Ku Taal Buurta Daalo Oo Mar Kale Qaylo Dhaan Ka Muujiyay Biyo La’aan Ka Jirta

Ceerigaabo (SLPOST)- Gudoomiyaha Tuulada Karin oo ku taal Buurta Daalo qaylo dhaan ka muujiyay Biyo la’aan ka jirta.

Gudoomiyaha Magaalada Karin ee Gobolka Sanaag Maxamed Ducaale Shire ee ku taala afaafka hore ee buurta quruxda badan ee daalo
ayaa cabasho ka muujiyay Biyo la,aan ka haysata magaalada iyo dadka deegaanka.

karin

Mar aan kula nay magaalada oo aan dhawaan Booqanay Buurta daalo oo ah meel aad u quruxbadan isla markaana ah meesha ugu haboon dalxiiska,ayuu Gudoomiyuhu nooga waramay xaalada buurta iyo ta degaan oo uu farta ku fiiqay in ay u baahanyihiin biyo maadaama ay dad badani ku nool yihiin degaankan oo ay buuro ku hareeraysanyihiin.Gudoomiyaha oo arimaaas ka hadlayana waxa hadaladiisii ka mid ahaa

”Anigoo ku hadlaaya Magaca magaaladan aynu joogno oo ah Karin,iyadoo aya meeshani ku taalo Meel aad u istaraaji ah Buurta daalo ayay kadin u tahay waxaa kale oo dinaca ka xiga Buurta dheer ee Surad waxaakle oo ay marin u tahay Wadada Tagta Maydh,meeshan waxaa ku nool dad aad u tiro badan oo magaaladani u tahay halbawle,waxaa kale oo la ogayahay Daalo waa meesha kaliya ee dalxiis dalku leeyahay ee ku hodan ah dhirta Noocyadeeda dabiiciga ah,dhinaca kalena ay naga saarantahay Buurtaas Surad ee dhereka taariikda dalka kaga Jirta,dibaatada ugu badan ee na haysataa dadka degaanku waa Biyaha oo aan wali aanay waxba ka qaban dawlada iyo hay,adaha biyaha ku shaqada lihi Maantadan dadka degaanku way ka shirayeen sidii ay baahida Biyood uga Bixi lahaayeen laakiin waxaa muhiim ah inay Gacan ka helaan dawlada iyo cidii kale ee ak gacan qabankarta.

Waxaana Hubaal hadii degaankani uu helo Biyo waxay wax ka tari lahayd dhaqaalaha iyo dalxiiska iyo waliba Nolosha dadka degaanka, waxaan hay,adaha iyo Xukuumadaba in wax nalooga qabto baahida biyaha.

Si kastaba ha ahaatee Degaankan oo aanu booqanay ayaa waxaa ku nool dadaad u badan kuwaas oo dhibaato nbadani ka haysato xaga biyahaya oo aad uga Fog.isla markaana aanay ka war hayn Xukuumadu maadaama ay Gobtani tahay isa kaliya ee degaan ee qurux iyo dalxiis ee uu ku faani karo dalku.Sdoo kale waxay wax ka tari laaysd adii halkani ay biyo hesho miisaaniyad dalka iyo dhaqaalaha.

Somalilandpost.net