Gudida Qaran Ee Mihnadleyaasha Caafimaadka Somaliland Oo Kulan Muhiim Ah U Qabtay Xirfedleyaasha Caafimaadka

Hargeysa(SLpost) Guddida qaran ee Xirfadlayaasha Caafimaadka Somalilandayaa kulan balaadhan oo lagaga arrinsanayo sidii loo tayayn lahaa xarumaha xaafimaad Hargeysa ku qabtay.

Kulankan  oo hal maalin ah socday ayaa waxa lagaga wada hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa adeegyadda caafimaadka ee ay xarumaha kala Hadal kooban oo ay halkaasi ka soo jeedisay Marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil Oo Ka Tirsan Gudida Dhakhaatiirta Mihnedleyaasha Caafimaadka ayaa  xustay in guud ahaanba ka soo qayb galeyaasha looga baahan yahay sidii ay adeegyadooda ugu darsan lahaayeen tayayn.

mihnadlayaa

NHPC Waa hay´ad aynu u baahanahay, waana midii xakamaynaysay shaqaalaha caafimaadka, waa hay´addii inaga xirfadeena xakamaynaysay, waxaana la inooga baahan yahay in aynu isbabar taagno hay´addan” ayay tidhi.

Waxa ay ka sheekaysay wakhtiyadii kala duwanaa ee ay hay addani soo martay waxaanay tidhi “Hay´addani NHPC Waxa ay soo martay marxalado kala duwan, way bilaabantay, wey inaga hakatay, laakiin maanta halka ay maraysaa waa meel fiican, waxaana la inooga baahan yahay in aynu halkaasi ka sii wada ambo qaadno, shirkuna waa inoo furan yahay” ayay hadalkeeda ku soo koobtay.

Somalilandpost.net

Hargeysa