Gudida Ictiraaf Doonista Somaliland Ee Swedan Oo Lagu Dhawaaqay

Guddida Ictiraaf Raadinta Somaliland ee Dalka Sweden oo Lagu Dhawaaqay.

Xubnaha  loogu Talogalay in ay u dhaqdhaqaaqaan arimaha Ictiraaf raadinta oo tiradoodu dhantahay 14 Xubnood oo ka mid ah Jaaliyadda Somaliland  ee Dalka Sweden,waxa ay qayb ka tahay Qorshe ay Xukuumadda Somaliland ugu talo gashay in lagu dardar galiyo arimaha Ictiraaf raadinta, iyada oo hore guddidan oo kale looga sameeyay Dalka Britain,waxa ay Sweden noqonaysaa Dalkii Labaad oo Guddi shaqadoodu tahay arimaha Ictiraafka laga Hirgaliyo.

Guddidan ayaa Durba waxa ay ku talaabsadeen in ay ka hawl galaan arimaha abaaraha,iyaga oo u gudbiyay Xukuumadda Sweden,Baaqii Abaaraha ee ku saabsanaa qaylo dhaanta abaaraha ee kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland,iyaga oo arintaa kala Xaajooday Wasiirka Kaalmadda ee Dalka Sweden.

Si kastaba ha ahaatee qorshaha ku saabsan Guddiyadda Ictiraaf raadinta ee laga sameeyay Waddamada qurbaha ayaa u muuqda mid ay ahayd in wakhti hore la qaado,iyadda Xukuumadda Somaliland ee Wakhti Xaadirkan Somaliland ka arimisa lagu Canaanto in ay ka seexatay arimaha Ictiraaf raadinta.

Liiska Xubnaha Guddida Ictiraaf Raadinta Dalka Sweden.

 

1.    Gudoomiye Maxamed Yusuf Bidhiidh(Badda)

2.    Gudoomiye ku xigeen: Shaafici Ismail

3.    Xoghayn: Kowsar Aadan

4.    Khasnaji: Eng Axmed Obsiiye

5.    Public Relations: Saami Ducaale

6.    Public Relations: Khadra Seeraar Westerberg

7.    Xubin: Cisman Xussein Abokor (Xamari )

8.    Xubin: Axmed Xassan Diriye (Ganay)

9.    Xubin: Eng Mohamed I Ibrahim (Nirig)

10.                  Xubin: Axmed Magan

11.                  Xubin: Xussein Abaadir

12.                  Xubin: Liban Xasan

13.                  Xubin: Mustafe Cabdi Ismaaciil

14.                  Xubin: Nasriin Fuad Cabdi