Gudida Dabagalka Hantida Qaranka iyo Gudoomiyahooda Xildh. Obama waan Hambalyaynaynaa + MAANSO

DSC00697Guddida  dabagalka Hantida qaranka ee Golaha wakiilada Somaliland iyo Gudoomiyohooda da’da yar ee aqoonyahanka ah Mudane Maxamed Cali Xirsi(Obama)  waxay bulshada u soo bandhigeen si daacada halka ay wax ka kharibmeen waanan ku hambalyaynayaa.

Gudoomiye Maxamed Cali Xirsi (Obama) wuxuu muujiyay dedaal iyo firfircooni badan oo ay ka muuqato kalsooni dheeraad ah, waxa uu nidaamka dawladnimo iyo wadashaqaynta haayadaha qaranka Casharkeeda u dhigayaa boqolaal siyaasada uga soo horeeyey, waxa uu Banyaalnimada maamul wanaag iyo la dagaalanka musuqmaasuqa tusayaa dawlad xadhkaha goosatay oo haday siday tahay uga faaidaystaan u noqonaysa isa sixid iyo ku dhiiranaan nidaam bilaa wax isdaba marin ah oo qaranku isagoo isku duuban uu Gaadho.

Waxaynu ogayn oo warbaahinta badideenu kala soconay sidii quruxda badnayd ee warbixinta dheer ee aanay weli Baarlamaanku samayn ugu soo bandhigay sida ay gobolada dalku uga madhan yihiin miisaaniyada boqolaalka milyan ee dolar ah ee maalin walba sii korodha iyo Hanti-dhawraha hurda ee aan weli la arag cid uu u qabtay musuqmasuq iyo cadaymo uu u soo bandhigay.

Sida ay gudidaasi sheegtayna aan maalin qudha u soo gudbinin warbixinihii looga baahnaa taasina ay ku tusayso musuqmaasuqa baahay ee aanu weli waxba ka qaban. Waxay ahayd madaxweynuhu inuu bedelo ninkaa Odayga ah ee may ahayn inuu Xildhibaanada Dhaameelka u adeegsado meel marinta xisaab-xidho dabo ilaa dacal wada qaldan si loo xisaabiyaana aaanay jirin.

Guddida Dabagalka iyo Gudoomiyaheedaba waxaanu leenahay shacabku wuu arkayaa inaad ka soo dhalaasheen waajibkii idin saaraa Taariikhda Somaliland Baal dahaba ayaad kaga jirtaan halkaas dedaalka ka wada hana niyad jabina ee wada dedaalka.s

Gole Noo Damqada

Oo aan guul wadayn

Oo Garasho Badan

Xilka loo gartayna

Aan dhaafsan Gaws

Miduu Gubo xilkaa

Guudka loo sudhoo

Guno aan la siin

Geesi miiganoo

Guta Waajibkaas

Xaqa kama Gabade

Laaluushka Guran

Gedaa Ina Cali Xirsiya

Musuqmaasuq Gubo

Oon Garab ku siin

Gadhwadeenka jira

 

Guulow allow

Gaar noogu deeq

Obama Gilgilay

Oo kala Gurguray

Xisaab lagu Gefiyo

Kii qalad Galee

Gudidaaa musuqa

Gole baarlamaan

Gaar ugu dirow

Abaal guuna bay

Gidigood bulshadu

Idiin gunadayee

Sii wada Guclaha

Gaabiska iska jira

Gobanimo aduun

Ifka guri Haboon

 

 

Dr. Jaamac Wacays

Ceerigaabo Somaliland