Gudida Abaaraha Awdal Iyo Masuuliyiin Kale Oo ka hadlay Musuqmaasuq lala Xidhiidhiyey Badhasaabka Gobolkaas

Boorame (SLpost)- Xoghayaha Gobolka Awdal, oo ay weheliyaan xubno ka mid ah gudida Abaaraha ee gobolka Awdal ayaa maanta ganafka ku dhuftay war lagu baahiyay saxaafada Internetka, kuwaasi oo arimo musuqmaasuq ah oo dhinaca raashinkii u dambeeyay ee laga bixiyay gobolka Awdal ku xidhiidhsan, isla markaana  dusha loo saaray Badhasaab Cabdoo Aayar inuu lunsaday lacag dhan 20 kun oo doolar oo loogu talo galay qaybinta raashinkaasi.

Shir Jaraaid oo ay maanta ku qabteen xafiiska xoghayaha gobolka Awdal ayay ku faahfaahiyeen arimahan, waxana ay ka faaloodeen siyaabihii ay lacagtan 20kun ah ku baxday iyaaga oo ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn warkaasi la baahiyay, badhasaabkana sheegay in aanu arkin meel ay lacagtaasi taalay iyo meel kale, waxana ay tan ku sii adkeeyeen in Badhasaabku uu hawsha qaybinta raashinka u xilsaaray gudida Abaarha iyo Xoghayaha Awdal, sidaasi darteed aanu waxba ka ogayn lacagahaas lagu been abuuray, marka laga reebo warbixin waraaqo ku qoran oo ay u gudbiyeen madaxdii uu hawsha u igmadau iyo gudida abaarahu.

GUDIDA ABAARHA AWDALXoghayaha Gobolka Awdal Asad Cabdi Jaamac oo shirkaasi jaraaid ka hadlay ayaa waxa uu yidhi ‘Anigu waxa aan ka hadli doonaa laba qodob oo i khuseeya oo lagu qoray warqadan aan websiteka ka soo saaray oo lagu leeyahay badhasaab Cabdoo ayaa lacag dhan 20kun oo doolar oo loogu talo galay raashinka Lunsaday, waxanan leeyahay waxaasi waxba kama jiraan, waxana aan ka marag kacayaa in Xildhibaanada kala ah Xil. Axmad Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, Xil. Abuubakar Cabdi Good iyo Xil. Daahir Cali Jaamac aanu ka qaadnay ka xoghaye ahaan gobolka oo aan la shaqynayay lacag dhan 19790 doolar oo ah lacagtii abaaraha loogu talo galay ee dhanayd 20kun ee doolar, waxa kale oo inan dheer oo ilaa maanta xukuumada dhexe kaga maqan gudida abaaraha lacag dhan 7280 doolar, waa taasi mida aan mar labaad iyo mar sedexaad kaga marag kacaynaa inaanu Badhasaab Cabdoo shaqo ku lahayn lacagtaas isla markaana ay maareeyeen aniga oo ah Asad gobolkana uga wakiil ahaa Abaaraha iyo Gudidii Abaaraha ee nala gashay qaybinta raashinkaasi, waxana aan ku bixinay lacagtaas inay meeshii loogu talo gashay ku baxday”.

Sidoo kale waxa aan beeninayaa oo ku qoran warqadan aan websiteka ka soo saarnay in Badhasaab cabdoo uu shaqadii ka eryay gabadha la yidhaa Ayaan Cali Cumar oo ahayd madaxii xafiiska samafalka madaxtooyada ee Gobolka Awdal, waxana aan leeyahay Gabadhaas Ayaan, Badhasaab Cabdoo shaqada kama eryin, waxana jirtay digreeto madaxwayne oo sheegaysa in xafiiskii samafalka Madaxtooyadu uu hoos tagay Wasaarada Dibu Dajinta, ka gobol ahaan waxa nagala shaqeeya waxa khuseeya dib u dajinta masuulka gobolka u qaabilsan ” ayuu yidhi Xoghayaye Asad

Xoghayuhu waxa uu canaan iyo hanjabaad muuqda dusha uga tuuray saxaafada waxana uu yidhi “Waxa wanaagsan inaad ogaataan in waxa aad qoraysaan uu ahaado wax sax ah, waxa aad laaqaysaan ee aanan loo haynin cadaynta waa la iskaga daba iman doonaa oo ma jirto meel lagu cafinayo qof qoray deel qaaf qaawan oo aanan meelna loo soo marin oo la mid ah kan imika aan hayno ee ay Badhasaabka ku dhabooqayaan waxa aanan jirin, sidaasina socon mayso.”

Sh. Xasan Deheeye oo ka mid ah gudida Abaraha ayaa waxa uu yidhi “Sideedaba waxa qalad ah qofku in wax aanu war ka hayn inta uu meel fadhiisto uu wax ka qoro, waa mid qaldan, raashinkan intii aanu soo bixin ayaa  la go’aamiyay in gudida oo waayo’aragnimo u leh inay qaybiso, oo ay gaadhsiiso dhamaan cidhifyada gobolka, waxa ay ahayd 700 oo tan oo ay la socotay 20kun oo doolar oo loo soo dhiibay 3 xildhibaan, iyagana cidi uguma tagin, oo gacantooda ayay ku qaybiyeen, xoghayaha ayaana la ogaa oo qoraal ku sameeyay meeshii ay ku baxday oo dhan, lacagtaasina ma jirto cid gudida abaaraha ah oo gacanta loo saaray, waxaas ayayna ku baxday Badhasaabkuna ma ogayn oo shaqo kuma lahayn meesha ay martay lacagtaasi.

Sh. Xasan Daheeye ayaa waxa kale oo uu ka waramay sida ay u qaybiyeen raashinkaasi, isaga oo ka marag kacay in raashinkaasi si balaadhan oo wanaagsan loo qaybiyay, “waxa intan noo dheer in hawsha baabuur saarida raashinku ay is bedeshay isla markaana aan lacag dhan 7280 doolar oo aan u haynay abaaraha aan ku darnay si aan u gudano waajibkayaga, waxana lacagtan ogaa Xoghayaha Gobolka Awdal oo isagu ka marag ahaa, lacagtaasina jihadii iska lahayd ee aan u qorshaynay waan sugaynaa wali oo waxa aan ka sugaynaa xukuumada, waxna ay ahayd inaan cadayno taasi, waxana kale oo abidba dhici jirtay in marka raashin la qaybinayo hadii noolku kaa gafo raashinka badh la iibin jiray oo lacagta noolka lagu bixin jiray, waa midaas mida ay dadka saska ka samaynaya ee dadka ku aflagaadaynaya amuurahan inay doonayaan in iyaga loo dhiibo oo ay ku takrifalaan xoolaha umada, waana amaano oo anaga maanada Eebe ayaa nagu ilaashanayay, waxanan cadaynaynaa in Badhasaab Cabdoo aanuu raashinkaasi aanu meelna ka soo galin oo uu warka ka qaadanayay uun xoghayahiisa, walina ay ku maqan tahay lacag aan leenahay xukuumada.

Caaqil Saxane oo isaguna ka hadlay halkaasi isla markaana ay gudida abaaruhu u xilsaareen inuu la socdo lacagta ay Xildhibaanado hayaan ayaa yidhi “raashinka qaybtii Lughaya halkan ma soo marin ee Xeebta ayay mareen, lacagta 20kun ah waxa loogu talo galay noolka min Saylac ilaa Boorama, Badhasaabkuna waxa uu u xilsaaray hawsha gudida iyo Xoghaya, waxana uu nagu yidhi waligay raashin ma qaybin, tuulooyinkana ma garanayo ee masuuliyiinta iga hoosaysaa ha idinla ogaato” sidii ayaanan u qaybinay oo wax naga cawday ma arag, ninka waxan samaynayaana waa wax cay ula badheedhay gudida iyo Badhasaabka, waana wax aanan waxba ka jirin, ee qofkii qorow ka toobad keen.”

“Lacagta kale ee 20kun ah, gudidu kuma jirin ee aniga iyo xoghayaha ayay ahayd cida ka soo qaaday xildhibaanada, 5kun iyo dhawr boqol degmada Baki ayaan ugu rarnay raashinka, oo dirawaliinta ayaan u gaynay xildhibaanada oo halkaas ayay ku siiyeen lacagtaasi, degmada Saylac inteeda soke sida Fiqi Aadan, Daba-dilaac, Jidhi iyo agagaarkeeda waxa aan ku noolinay 4900 oo doolar, dirawaliinta ayaanan gacanta uga dhiibnay, Lughayana 9kun iyo saaid ayaan u dirnay ayay nagu yidhaaheen xildhibaanadu, sidaas ayay ahayd oo Badhasaabku ma arag, inka wax qorayowna wax kaa soconaya ayaa la qoraa, waxana aan leeyahay malaha qof hinaasaysan ayaa warqadan qoray ee ka toodab keen.”

Caaqil Cabdi Salsal oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “Warqadan website-ka lagu qoray waxa aan ka jawabaynaa inta naga qusaysa, Badhasaab Cabdoo isaga oo iska riixaya ayuu hawsha anaga noo dhiibtay oo xoghaya ayaa dusha nagala socday, waan ka diidanay balse waxa aan uga ogolaanay inaan dadkayaga wax gaarsiino, lacagta 20kun ah waxa ay ku baxday noolkii lagu qaybiyay dhul badan, xildhibaano ayaana loo soo dhiibay oo waan la xisaabtanay oo sidoodii ayay u baxeen, 300 oo kiis waan iibinay, lacag dhan 7280 ayaana naga raacday, wax badan ayaanan xisaabtaas iska sugnay oo ma jirin meel wax ka dhex bexeen oo waxa maqan waa lacagta kaliya ee naga maqan lacagta xukuumada aan uga fadhino oo aanaan ogolayn in meel kale ay marto, waana ceeb in dadka la ceebeeyo oo umada la fadeexadeeyo, waxana aan marqaati ka nahay in badhasaabku aanu raashinkaasi iyo lacagtaasiba, gacanta la galin oo aanu arag, taasi waan cadaynaynaa oo marqaati ayaan ka nahay.”

SOMALILANDPOST.NET/Boorame