Guddoomiyihii Warbaahinta Somaliland TodayGuddoomiyihii Warbaahinta Somaliland Today oo Xabsiga loo taxaabay Oo

Hargeysa (SLpost) Guddoomiyihii Warbaahinta Somaliland Today Media Group Muniir Axmed Cigaal ayaa Ciidamadda Booliska waxa ay sifo sharcidaro ah ugu taxaabeen mid kamida Saldhigyadda Booliska ee ku yaala Magaaladda Hargeysa.

Suxufiga ayaa Ciidamadu waxa ay ka qabteen mid kamida huteeladda Magaaladda isaga oo xiligaasi aanay jirin wax fal danbiyeeda oo uu faraha kula jiray iyo wax uu hore u gaystay mida, balse ciidamadaasi ayaa xidhay iyaga oo u sheegay in uu xadhigiisa Amray mid kamida Xubnaha Golaha Wasiiradda oo ay isku abtirsiin yihiin Wariyaha.

mmmmSida aanu ka soo xiganayno dadka ugu dhaw Guddoomiyaha Warbaahinta Somaliland Today Medida Group, Muniir Axmed Cigaal, ayaa waxa ay wararku sheegayaan in wariyaha uu la soo xidhiidhay  Taliyaha Saldhiga Ibraahin Koodbuur ee Magaladda Hargeysa, waxanu u sheegay in xadhigiisa uu ku amray Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Guriyanta Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) xiligaas oo wariyaha khadka taleefanka uu kula xidhiidhay taliyuhuna waxa uu Muniir ka codsaday in ay ugu yimadan Gurigiisa una sheegaan dacwadda loo haysto.

Maanta waxa wariyaha Hutel Maansoor ee Magaladda Hargeysa ka kaxaystay ciidamadda booliska iyaga oo u gudbiyay saldhiga Ibraahin koodbuur.

Wariye Muniir Axmed Cigaal ayaa sida la sheegay ilaa hadda aanay jirin wax faldanbiyeeda oo uu gaystay isga iyo warbaahintiisu waxanu ahaa mudane hankiisu yahay in uu ka soo dhex muuqdo Golaha Wakiiladda Somaliland ee Soosocda isaga oo ka sharaxnaa Gobolka SAAXIL,   ilo labada dhinacba xogogaal u ah, ayaa tibaaxaya in xadhiga Muniir Axmed Cigaal ku kasbaday xilka siyaasadeed ee uu u loolamaayo waxanu Wasiir Cali Mareexaan u arkaa in aannu Muniir ku shaqaynaynin Siyaasadiisa ee uu ka Madaxbanaan yahay.

Sharcigu ma ogola in la xidho qof mudane ah oo isagu  u taagan xil qaran ama murashaxnimo hadii aanu wakhtigaasi ku gudajirin faldanbiyeed socda ama mid uu hore ugaystay qofkastaana waxa uu u madaxbanaanyahay Hankiisa Siyaasadeed iyada oo aanay cidina qasbaynin balse Wasiir Cali Mareexaan ayaa u muuqda mid sharciga ku tumanaaya oo aanay u kalacadayn Siyaasadda, Awooda Dawladda, Sharciga iyo arimaha reeraha ee u baahan in sida gaarka ah loo xaliyo.

Wariye Muniir Axmed Cigaal Ayaa mudo dheer soo dhexmaaxayay Saxaafadda Madaxabanaan iyo ta Dawladda ilaa hadna macadda in xadhiga Dawladda ee sharcidaradda ah uu ku sii jiraayo iyo in kale.

XIGASHO: SomalilandToday