Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Sool oo Burco lagu aasay iyo wasiir Xaabsade oo gaadhay Laascaanood

Burco,  (SLpost)- Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Sool Ibraahim Axmed Muuse ayaa shalay lagu aasay magaalada Burco, ka dib markii uu habeen hore u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaadhay weerar ay la beegsadeen dabley aan la aqoonsani magaalada Laascaanood.

Alle ha u naxariistee aaska marxuumkaas waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi iyo masuuliyiin kale, kuwaasoo oo Illaahay uga baryay inuu naxariistii Jano ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadiina samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhanka kale, iyada oo aan ilaa hada la garanayn cid rasmiyan uga dambaysay dilka masuulkan, ayaa ciidamada amaanka Somaliland hawlgallo balaadhan oo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Laascaanood waxay ku soo qabqabteen dad lagu xidhiidhinayo falal amaan-darro ah oo ka dhan ah magaalada. Dad sheegay inay goob-joogayaal yihiin ayaa sheegay inay ciidamada amaanku gacanta ku dhigeen ilaa toban qof oo la tilmaamay in lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan dilkii lagu khaarajiyay guddoomiyihii maxkamadda rafcaanka gobolka Sool.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa la sheegay inuu shalay gaadhay magaalada Laascaanood. Hase yeeshee, lama sheegin in ujeedada socdaalkiisu la xidhiidho dilkii Guddoomiyaha Maxkamada Rafcaanka iyo falalka amaan-darrada ah ee guud ahaan gobolkaas. Balse, Md. Xaabsade oo waqtiyadii ugu dambeeyay u muuqday inuu saluugsanaa hanaanka geedi-socodka nabadgelyada iyo amaanka gobolka Sool, ayaa la garanyn talaabada uu qaadi doono.

SLpost News Desk

somalilandpost [at] yahoo.com