Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa Prof. Muuse Aadan oo is-casilay

Hargeysa, 09 April, 2012 (SLpost)- Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa  Prof. Muuse Aadan Axmed ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkii Guddoomiye-nimo ee uu ka hayey Jaamacaddaas, ka dib markii ay soo baxeen cabashooyin ka dhan ah maamulka Jaamacadda oo ay Ardaydu ka muujiyeen lacago lagu kordhiyey.

Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Jaamacadda, waxa uu sheegay inuu isu casilay laba arrimood oo kala ah mid isaga shaqsi ahaan u gaar ah iyo arrimo la xidhiidha kacdoon ay Ardayda Jaamacadda wax ka bartaa ka sameeyeen kaas oo wasaaradaha Waxbarashada iyo Arrimaha Guduhu ay warbaahinta galiyeen warka arday jaamacadda iyaga oo aan, sida uu sheegay, kala tashan maamulka jaamacadda.

“Waxaan shalay istiqaaladdii (qoraal is-casilaada) u dhiibay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare aniga oo ah Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa, xilkaas oo aan hayey muddo shan bilood iyo toban maalmood ah. Waxaan xilkaa iskaga casilay asbaabo shaqsi ah oo aniga I quseeya,” sidaa ayuu yidhi Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa Prof. Muuse Aadan Axmed.

Waxaa uu Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Jaamacadda oo maalmahan warkeedu ku jiray Warbaahinta in Fiiga Jaamacadda waxoogaa lagu kordhiyey, in markaas ay ardaydii jaamacaddu samaysay dhaqdhaqaaq, warbixinana laga soo saaray Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Wasaaradda arrimaha guduhu ay warbaahinta ka sii-daayeen iyada oo aan Maamulka Jaamacadda lagala tashan.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu yidhi, “Iyaga (Wasiirradu) oo u arkaayey sidii ardaydu ugu warrantay ama ardayda oo ay kulmeen siday warbixinta ku siiyeen in arrintu meel khatara oo amniga dalka khalkhal gelin karta, isla markaana qas abuuri kara, Wasiirka Waxbarashaduna Guddi u saartay. Markaa, ka dib waxaan go’aansaday inaan iska casilo Xilkii Guddoomiyaha Jaamacadda ee aan hayey.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net