Guddoomiyihii iyo Tifaftirihii Haatuf oo xabsiga loo taxaabay; “Wasiirka Arrimiha Guduhu wuxuu yidhi Awoodda Anigaa leh” – DAAWO

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, ayaa maanta xadhig Rumaan ah oo muddo 45 maalmood ah lagu jaan-gooyey ku xukuntay Guddoomiyihii iyo Tifaftirihii Wargeyska Xayiradda la saaray ee Haatuf, ka dib markii ay maanta hor-tageen maxkamadda.

xukunkaGuddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha Axmed Cali Cige, ayaa maanta hor-tagay Maxkamadda gobolka Maroodijeex oo dacwad masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan ka gudbiyeen Wargeyska Haatuf oo muddo saddex todobaad ah xayiran, ka dib markii xukuumaddu al-abaabaada isu-laabtay badhtamihii bishii hore ee April.

Wargeyska ayaa warar musuq-maasuq la xidhiidha ka qoray wasiirro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Macdanta iyo Biyaha.

Garyaqaannada u doodayey masuuliyiinta Haatuf iyo Xarunta Xuquuqal Iinsaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa si adag u cambaareyey qaabka Maxkamadda gobolku maanta ula dhaqantay Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha oo markiiba Ciidamada loogu talo-galay la-dagaalanka Argagixisadu ka qaadeen Xarunta Maxkamadda, ka dib markii garsooraha Dacwadda Qaadayey Amar ku bixiyey Xukunka Rumaanka ee labada masuul loo diray.

Garyaaqaannadu waxa ay sheegeen inaan haba-yaraatee loo ogolaan inay gar-naqsigooda ka dhiibtaan xarunta maxkamadda isla markaana si juujuub ah oo nidaamka garsoorka baalmarsan markiiba xukunka loo riday.

HALKAN KA DAAWO.