Guddoomiyihii iyo ku-xigeenkii Xoghayaha Garabka Haweenka Xisbiga WADDANI oo xilalkii laga qaaday iyo Sababaha lala xidhiidhay

UurcadeHargeysa (SLpost)- Hoggaanka sare ee Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa xilalkii ay hayeen ka qaaday Guddoomiyihii iyo xoghantii Garabka Haweenka ee Xisbiga oo lagu eedeeyey inay heshiisyo qorsoodi ah la galeen xukuumadda isla markaana ay cid kale uga dhex-ololeeyeen gudaha Xisbiga.

Sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, shir ay Jimcihii isugu yimaaddeen hoggaan sare ee Xisbiga Waddani, ayaa lagu go’aamiyey in xilalkii ay xisbiga u hayeen laga qaado Guddoomiyihii Garabka Haweenka heer Qaran ee Xisbiga Marwo Ifraax Cumar Xasan iyo xoghaye ku-xigeenkii Garabka haweenka ee Xisbiga Marwo Idil Cabdilaahi Girre.

“Shir ay maanta oo taariikhdu tahay 31/07/2015 yeesheen hoggaanka Xisbiga WADDANI waxa ay go’aamiyeen:-

Maadaama oo ay caddaatey in aad ku kacdeen khiyaamo-xisbi, kaddib markii aad heshiis qarsoodi ah la gasheen xubno ka socda madaxtooyada, isla markaana xisbiga dhexdiisa uga ololeyseen xisbiyo kale taas oo ka soo horjeedda xeerka Xisbiga, xeer Lr. 14, xeerka nidaamka Ururrada iyo Axsaabta siyaasadda iyo xeer-hoosaadka Garabka Haweenka heer Qaran ee Xisbiga WADDANI.

Sidaa darteed, hoggaanka Xisbigu isaga oo cuskanaya Qodobka 10aad xeer Lr. 14, qodobka 13aad ee xeerka xisbiga WADDANI iyo qodobka 13aad ee xeer-hoosaadka Garabka Haweenka ee Xisbiga WADDANI, wuxuu xilkii iyo xubninimadii ka qaaday;

1.Marwo Ifraax Cumar Xasan (Guddoomiyihii hore ee Garabka Haweenka heer-Qaran)

2. Marwo Idil Cabdilaahi Giirre (Xoghaye ku-xigeenkii hore ee Garabka Haweenka Heer-Qaran)

Taas darteed, waxa la wargelinayaa dhammaan gobollada, degmooyinka, laamaha dibadda in xubnahaas laga qaaday xilalkii ay xisbiga ka hayeen iyo xubinimadiiba,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay xisbiga Waddani.

Go’aanka Xisbiga Waddani ka qaaday masuuliyiintisan uu eedeeyey, ayaa ku soo beegmaya iyadoo todobaadkii  hore ay  iska casileen xisbigaas masuuliyiin tiradoodu 8 xubnood oo xilalk sare ka hayey garabka Haweenka iyo boosaska kale ee xisbiga.

SOMALILANDPOST.NET