Guddoomiyihii hore Suxufiyiinta Afrika oo Shahaado DOCTORATE ah lagu maamuusay Xilkii Guddoomiyenimana Wareejisay

Addis Ababa, 17 January, 2012 (SLpost)- Guddoomiyaha Midowga Suxufiyiinta Afrika (Journalists for African Renaissance [JAR]) Ms Moha Farax Jire ayaa shahaado Sharafka Doctorate ah loogu maamuusay wax-qabadkeeda iyo doorka mihaddeeda warbaahineed ay kaga geysatay tebinta wararka xaasaasiga ah ee dalal badan oo Afrikaanah.

Munaasibaddan Shahaada Sharafkan Doctorate-ka ah lagu gudoonsiiyey oo midowga Afrika soo qaban-qaabiyey, waxay sidoo kale ku wareejisay xilka Guddoomiyenimo ee Suxuufiyiinta Afrika oo ay xilkiisa soo haysay saddexdii sanno ee ugu dambeeyey.

Safiirka dalka Mauritius u fadhiya magaalada Addis Ababa  ayaa sheegay in isaga oo ka wakiil ah xukuumaddiisa iyo Jaamacadaha dalkiisa uu Wariye Moha guddoonsiinayo  Shahaado Doctorate isaga oo sheegay inay ku mudatay hawlihii saxaafadeed ee ay qaaradda u haysay.

Dr. Moha Jire oo munaasibadda ka hadashay ka dib markii shahaadada la guddoonsiiyey ayaa ugu horreyn halkaa uga mahad celisay madaxdii kala duwanayd ee ka soo qayb-gashay, “Waxay ii tahay karaamo, sharaf iyo maamuusid xad dhaaf ah oo ay igu maamuseen qayb weyn oo noloshayda ka mid ah inaan maanta halka kan idinkula wada kulmo, anigoo ogsoon in Aqoon waayo aragnimo iyo khibradba la iga badsado ayaa hadana waxa mudo 3 sanadood ka hor ah halkan aan ku guddoomey Xilka gudoominta walaalahayga sharafta mudan ee aanu isku jilibka nahay dhinaca mihnadan warbaahinta. Waxay ahayd runtii howl culeyskeeda leh, Allah se waa igu guuleyey oo waxay noo ahayd howl laga midaysanyahay waxtarkeeda iyo dhibkeedaba,” ayey tidhi Muha.

Waxay xustay in dhismaha iyo aasaaska ururkooda JAR uu taageero weyn ka helay dalka Itoobiya iyada oo madaxda dalkaas uga mahad celisay sidii ay u soo gacan-qabteen. Waxay sidoo kale sheegtay in muddadii saddexda sanno ahayd ee ay xilka haysay wax badani u qabsoomeen isla markaana ay maanta shahaado-sharafka ku guddoomayso magaca Saxaafadda Qaaradda.

Gebo-gabadii munaasibadda waxay xilkii guddoomiyenimo ee Suxufiyiinta Qaaradda Afrika ku wareejisay Mr. Franciase John oo Galbeedka Afrika ka soo jeeda.

NUQUL KA MIDA SHAHAADADA

The Year2011

                                                        THE REPUBLIC OF MAURITIUS                                                         

  HONORARY DOCTORATE  {HD} 

To whom Mauritius government consulting with its Universities  see deserving to  be awarded in academic perspective with Doctorate, degree and Masters in Africa’s Academic concrete role players should be considered closely their historical influences in to the Regional and Continental achievements towards Peace, Democracy, Prosperous, and lead influentially in to their professionals in the Continent in to sustainable development

Therefor The Mauritius Government hereby presented to the below titled & named Journalist  MS. Moha Dahir  Farah  Jirreh ,The president of JAR {Journalists for African Renaissance} & Sub-Saharan Informer News paper’s East African Senior Correspondent   {LHD} therefore from now on wards can be titled as she  honorably achieved by    DR.  Moha & officially recognizes by Mauritius GOV & UNIVERSITIES

                                DOCTOR OF HUMANE LETTERS       {L H D}

Honoris Cousa: After depth evaluation of MOHA’s academic positive & African patriotism contribution of journalism works from 2008-2011 in most sensitive elections, constitutional amendments, Head of state summits, political challenges & historic main events of Kenya, Tanzania, Uganda, Somalia, Somaliland, South Sudan, South -Africa, Mauritius, Tunisia, Zimbabwe Ethiopia, Ghana ,Nigeria, Djibouti, Uganda & the  African Union

To: Fed. Rep. of Ethiopia, AU. UNECA, Kenya & Uganda‘s high commissioner