Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye oo Shacabka ku hambalyeeyay munaasibadda Ciidul-Adxa

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somaliland iyo bulshada Muslimka ku bogaadiyey munaasibadda Ciidal-Adxa oo maalinta Berri ah looga dabbaal-degayo dhammaan dunida Islaamka.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa shacabka ku bogaadiyey xuska munaasibadda Ciidal-Adxaha, waxaanu Eebbe uga baryey sannadkan sannadkiisa caafimaad-qab iyo barwaaqo inay ku gaadhaan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo xambaarsan hambalyada munaasibadda ciidal-Adxa-ha.

CIRO-IYO-MUUSE“Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ahna guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka Xisbiga WADDANI, waxaa uu hambalyo iyo bogaadin balaadhan uu u dirayaa dhamaanba Shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba umadda Islaamka ahi meel kasta oo ay joogaanba munaasibada Ciidal Adxa awgeed.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaa uu munaasibada Ciidal Adxa awgeed uu leeyahay Ciid Mubaarak,Ciidal Caafiy,Kullu Caam,Wa Antum,Bil Khayr.”

Md Cabdiraxmaan Cirro waxa sida oo kale uu Illaahay uga baryeyaa dhamaanba shacabka reer Somaliland in ay Sanadka,Sanadkiisa ay bash-bash,barwaaqo iyo caafimaad qab ay ku gaadhaan,Inta Xanuunsanaysa ee jiiftana uu Illaahay uga baryeyaa in uu Xanuunka ka dulqaado,Caafimaadna siiyo,Sida oo kalena intii dhimatayna Alleh u danbi dhaafo una naxariisto,” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Guddoomiyaha Waddani.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi oo ku hadlaya magaca Guddiga Fulinta iyo Golaha Dhexe, waxa uu shacabka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidul-Adxa, isaga oo caafimaad-qab iyo barwaaqo inay ku gaadhaan sannadkan sannadkiisa u rejayeen dhammaan shacabka Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET