Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka oo si Wada-jir ah uga Digay Dub-u-dhac ku yimaadda Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamanka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha labada Xisbiga Mucaarad ee UCID iyo Waddani, ayaa si wada-jir ah qalinka ugu duugay war-qad xambaarsan aragtidooda ku aaddan Qabsoomidda Doorashooyinka iyo Xaaladda Siyaasadeed ee dalka, taas oo ay u direen Guddida Shookaanta u haysa Barnaamijka Dimuqraadiyadda ee (DPSC) oo wakiil ka ah Beesha Caalamka ee Taageerta Doorashooyinka Somaliland.

Labada Guddoomiye Mucaarad waxa ay sidoo kale war-qaddooda ku socodsiiyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Warqadda ay wada-jirka u direen Guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad oo ka kooban todobada Qodob, ayaa deeq-bixiyeyaasha Caalamka looga mahad-celiyey taageerada joogtada ah ee ay ku gacan-siiyaan Somaliland qabsoomidda Doorashooyinkeeda iyo nidaamka Dimuqraadiyadda ee Dalka.

Laba Xisbi Qaran waxa ay walaac ka muujiyeen inay qabsoonto Doorasho xor iyo Xalaal ah haddii aan la helin diiwaangelin lagu sameeyo cod-bixiyeyasha ka qayb-qaadanaya doorashooyina Soo Socda. “Waayo-aragnimadii laga kasbaday Doorashadii Goleyaasha deegaanka ee natiijadeeda qalalaasuhu ka dhashay, ayaa digniin khatar ah noogaga filan doorashooyina soo socda. Labada Xisbiga Mucaarad ee UCID iyo Waddani oo taxaddiraya khatartahaas, waxa ay kala kaashanayaan, wada-shaqayn-na kala yeelanayaan Cidda ay khusayso ee Gudaha Dalka, si loo dhabbaha loogu sii xaadho qabsoomidda doorasho xalaal ah oo natiijo caafimaad qabta ka soo baxdo,” sidaa waxa lagu sheegay war-qadda ay wada-jirka u saxeexeen labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaradka ah.

Faysal iyo CirroQoraalka ay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ahi wada-jirka ugu direen daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland ee Gudaha iyo Debedda, waxa kale oo lagu sheegay in UCID iyo Waddani ay u hoggaansan yihiin Heshiis ay si wada-jir ah u saxeexeen dhinacyada doorashadu khusayso bishii todobaad ee sannadkan, kaas oo nuxurkiisu  ahaa qoraal axsaabta siyaasadda, Guddiga Doorashooyinka iyo Xukuumaddu u gudbiyeen qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka, lagagana dalbadanayey inay taageeraan dhaqaalaha ku baxaya diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadka 2015-ka iyo Diiwaangelinta Madanig ah.

Waxa kale oo qoraalka warqadda lagu sheegay in Xisbiyada UCID iyo Waddani ay danaynayaan kaliya Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo tayo leh si loo helo natiijo xor iyo xalaal ah oo ka soo baxday Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamanka ee loo muddeeyey badhtamaha sannadka 2015. Labada Xisbi Mucaarad waxa kale oo ay dhiirigeliyeen in diiwaangelinta Codbixiyeyaasha dalka laga hirgeliyo inta ka horgeysa 31 December, 2014.

“Ujeeddada aasaasiga ah ee ay labada Xisbi u taagerayaan diiwaangelinta waxa weeye si loo xaqiijiyo xaquuqda Dastuurku muwaadiniinta u siinayo in qof walba uu codkiisa dhiibto hal mar,” ayaa lagu sheegay warqadda ay wada-jirka u saxeexeen guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad.

Guddoomiyeyaasha Xisbiga UCID iyo Waddani, waxa ay xuseen in Guddiga Doorashooyinka Qaranku yahay hay’ad masuuliyaddeedu tahay inay maamusho geeddi-socodka doorashooyinka iyo sidoo kale diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, taas oo kala shaqaynayaan Axsaabta Qaranku, balse waxa ay sheegeen in Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo ururrada Bulshada rayidka ahi doorkoodu yahay inay ku taageeraan oo kaliya.

Laba Xisbi Mucaarad waxa kale oo ay ka digeen dib-u-dhac ku yimaadda wakhtiga Doorashooyinka loo muddeeyey sannadka 2015, iyo muddo kordhin oo sameeyey muddada xilka madaxweynaha iyo Baaralamanka.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net