Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi-qaran oo tafaasiil ka bixiyey Natiijada Kulamo magaalada Nairobi kula qaateen Qaadhaan-bixiyeyaasha taageera Doorashooyinka Somaliland

Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi-qaran oo tafaasiil ka bixiyey Natiijada Kulamo magaalada Nairobi kula qaateen Qaadhaan-bixiyeyaasha taageera Doorashooyinka SomalilandHargeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi-qaran ee Somaliland oo maalmihii u dambeeyey socdaal shaqo ugu maqnaa dalka Kenya, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaanay faahfaahin ka bixiyeen natiijada kulamo ay la qaateen Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhaqaalaha ku baxa doorashooyinka.

Guddoomiyeyaasha UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo maanta gelinkii dambe ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxa ay sheegeen in beesha caalamku diyaar u tahay bixinta dhaqaalaha ay ku taageeraan doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee loo muddeeyey badhtamaha sannadka dambe inay dalka ka dhacaan, haseyeeshee waxa ay xuseen shuruudo qaadhaan bixiyeyaashu ku xidheen taageeradooda dhaqaale, kuwaas oo dhammaystirka xeerarka Diiwaangelinaha Madaniga iyo Codbixiyeyaashu ka mid yihiin.

Halkan ka daawo Hadal Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Qaranka

SOMALILANDPOST.NET