Guddoomiye-xigeenka UDUB oo shaaciyey Heshiiskii ay Cali Waran-cadde iskula qaateen Bixinta Lacagta Murashaxnimada

Hargeysa, (SLpost)- Ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa shaaciyey Heshiish dhex maray isaga iyo Murashaxa Madaweynaha ee UDUB Cali Maxamed Waran-cadde kaas oo si wada jir ah labadooduba ugu saxeexan yihiin.

Heshiiskan ayaa sida ka muuqata, waxa shirkadda DAHABSHIIL lagaga dalbanayaa Furashada Xisaab Cusub oo ku suntan magacyada labada masuul oo  maamulkeeda ay si wada jir ah u leeyihiin Mr. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Mr. Cali Maxamed Waran-cadde.

Waraaqdan ay labada masuul ku saxeexan yihiin waxa lagu xusay in Murashax Cali Waran-cade uu Xisaabta ku shubi doono $285,000 oo xisaabteedu xidhnaan doonto ilaa iyo inta kala saarayo murashaxiinta Xisbiga UDUB u tartamaya.

Dhanka kale, Heshiiskan waxa ku cad in Murashax Cali Waran-cadde uu dib u heli doono lacagtiisa haddii uu ku soo bixi waayo murashaxa Madaxweynaha, balse haddii uu ku guulaysto uu Xisbigu yeelan doonto isla markaana ay ku bixi doonto saxeexa labadan Masuul.

[stextbox id=”info”]Hoos ka akhriso Waraaqada Heshiiska.[/stextbox]

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net