Guddoomiye U Hadlay Shirkadaha Kiraysanaya Haamaha Oo Doonistooda Ku Adkaystay, Beeniyayna Inay Kala Jabeen

Hargeysa(SLpost)- Guddoomiyaha Midawga Shirkadaha Shidaalka soo dejiya Xasan Maxamed Cige, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga qoray oo sheegayay in ay ka noqdeen doonistoodii ay ku doonayeen in laga kireeyo Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, waxaanu intaa ku daray in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in lacago dilaal ah laga qaaday iyo in ay jiraan shirkado aan jirin oo wax la wadaagayaa.

Waxaa kale oo uu sheegay in sababta kaliya ee arrinta Haamaha Kaydka Shidaalka loo wad wadaa ay tahay dano gaar ah iyo kuwo ganacsi oo ay wadaan shaqsiyaad ka soo horjeeda in Haamaha Kaydka Shidaalka la hagaajiyo oo la dayactiro.

Waxaanu ku eedeeyay dadka ka soo horjeeda in Haamaha Kaydka Shidaalka laga kireeyo in ay ujeedadoodu tahay in ay meesha ka baxaan Haamaha Kaydka Shiaalka ee Qaranku oo ay samaystaan qaar ay gaar u leeyihiin oo ay iyagu maamulaan.

Guddoomiye Xasan Maxamed Cige oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi; “Arrinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera cidda wad wadda ee Siyaasadaynaysaa waa dad ujeedo gaara iyo dano ganacsi leh oo doonaya in ay Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera halkaa ku dhintaan oo ay dayac u baaba’aan, cidda hantidoodii ku jirto ee shidaalka ku shubatay ee ku khasaaraysaana waa annaga. Markaa ogolaan mayno in ay hantidayadu khasaarto, wax kasta oo aanu ka qaban karnana waanu ka qabanaynaa. Haddii cidda arrinta haamaha wad waddaa doonayso in ay dalka iyo annagaba na khasaareeyaan taasi waa wax aan soconayn, bal horta waxaa is waydiin leh cidda ka hadlaysaa waa’ayo? Shirkado shidaalkeena maaha oo wax ku shubta cid ka shaqaysa maaha oo xaqiiqo sheegaysa laakiin waa dad si kale oo qaldan wax u wada oo danahooda gaarka ah ka fekeraya oo dan shaqsi ah oo ay yeeyihiin Haamaha ka dhex arkay.”ayuu yidhi Guddoomiye Xasan.

Mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in ay jiraan shirkado dulsaar ah oo xukuumaddu jeebka ku sidato oo lagu soo dul tuuray iyo lacago uu dillaal uga qaatay Safiirka Somaliland u jooga dalka Imaaraadka Carabtu iyo in ay ka noqdeen doonistoodii Haamaha,ayuu ku jawaabay. “Horta marka been la sheegayo waa tan imika oo kale,shirkadahayaga oo lix ah,ayaa codsigan keenay oo ku hammiyay in ay hantidoodana badbaadiyaan Haamahana maal galin rasmi ah ku sameeyaan,taana waxaanu bilawna oo aanu Madaxwaynaha codsigayaga u geynay sanadkii 2011 kii.markaa illaa imikana wuu socday wada hadalkayagu waxaana sababta ugu wayni ay tahay in aynu ka maarano maal gashi shisheeye haddii aynu awoodeeda leenahay oo muwaadiniintu waxay maal galin karayaan ay maal galiyaan, markaa cid dillaal naga qaadatay iyo lacag aanu laaluush ku bixinay iyo shirkado aan jirin oo dul saar nagu ah midna ma jirto,Haamuhuna waxay u baahan yihiin illaa 18 milyan in lagu maal galiyo taana diyaar ayaanu u nahay markaa waxba kama jiraan wararka sheegaya in aanu ka baxnay heshiiskii iyo in cid aan shirkado lahayn in dusha nalagaga keenay midnaba.”

Guddoomiye Xasan oo ka hadkayay sida uu u arko dadka diidan in Haamaha lagu wareejiyo,ayaa yidhi. “Cidda diidan in aanu haamaha maal galinaa waa dad ganacsato iyo dano u gaara wadata oo doonaya in ay Haamaha kaydka Shidaalku sidaa ku baa ba,aan ka dinba qorshohoodu yahay in ay samaystaan qaar ay iyagu leeyihiin oo ay naga kireeyaan laakiin anagu waxaanu diyaar u nahay in aanu kuwa qaranku leeyahay waxay baahi qabaan in aanu daboolo oo aanu dayac tir rasmi ah ku samayno waxaanan leeyahay arrinta Haamaha yaan la siyaasadayn waa hanta qaran oo u baahan in wax laga qabto haddaan imika deg deg loo dayac tirinna way dhimanayaan, xukuumadduna maanta ugama maaranto in ay galiso lacag dhan 18 milyan oo dhaqaaleheenu uma saamaxayo anaguna qasaare hantidayadii ku soo socda eegan mayno,markaa xukuumadda ayuunbay ku xumaynayaan ee waxaan leeyahay danta qaranka ku xumayn xukuumadda ah iyo mucaaridnimo ha u duminina,waanan hubaa haddii ay mucaaridkuba ku guulaystaan doorashada amma ay imikaba iyagu joogi lahaayeen in ay naga kirayn lahaayeen markaa waxaa kaliya een odhayana nimanka waxay tahay wax aad adba yeeli lahayd imika ku xumayn Xukuumadda ah ha u diidina.”