Guddoomiye Saleebaan oo sheegay sababta Guurtidu uga Gaabisay Faro-gelinta Colaadda Ceel-Afweyn

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka jawaabay su’aal laga waydiiyey sababta ay uga gaabiyeen Colaadda soo noqnoqotay Beelaha Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo saxaafaddu su’aal ka weydiisey sababta Golaha Guurtidu ergooyin nabadeed ugu diri waayay Ceel Af-weyn oo dhibaatada amni-darro ee ka jirtaa muddo soo noqnoqotay, ayaa ku jawaabay in aanay Guurtida ku wanaagsanayn inay gasho Colaad markaa taagan, maaddaama buu yidhi ay joogaan Dawladdii iyo Ciidammadii amnigu.

Guddoomiye Saleebaan-nuur oo ugu horrayn ka jawaabaya in sababta keentay inay ka gaabiyaan Xallinta Colaadda loo maaro la’yahay ee Ceel Af-weyn tahay dhaqaale xumo haysa Golaha Guurtida ayaa yidhi “Dhaqaale darro ta dalka haysa ka weyni nama hayso.”

Mudane Saleebaan wuxuu ka jawaabay oo uu faahfaahiyey sababta Guurtidu aanay beryihii dambe ergooyin nabadeed ugu dirin Ceel Af-weyn “Markay tahay dagaal markaa taagan kuma wanaagsana Guurtida (Inaynu gasho), Dawladdii iyo Ciidammadeeda nabadgalyo ayaa hadda gacanta ku haya, waxayna na yidhaahdeen markaanu xasilino ayaad soo galaysaan, waxaanu ku diidno oo aanu nidhaahno hawsha kuma filidna namay tusin. Haddii Allaah yidhaahdo meel xun mari mayno, markay noqoto nabad dhalinta iyo wax waara waanu imanaynaa,” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net