Guddoomiye Saleebaan oo ka Hadlay Khilaafaadka Xisbiyada iyo Sii Hogaamintiisa Guurtida

Hargeysa(SLpost)- Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha aqalka guurtida, yaa ku dooday inaanay jirin khilaafaad asxaabta u dhexeeya oo muujinaya burbur asxaabta ku yimaada ama saamayn dalka ku yeesha. Waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye Musharaxiin doortay arrintaasina dhammaatay, isagoo afka ka dhawray garabka Isbahaysiga la baxay ee wali arrintaasi saluugsan.

Mudane Saleebaan oo saxaafadda kula hadlayay Hargeysa, waxa uu sidoo kale sheegay in saxaafaddu buunbuuninayso arrimo aan buurnayn. Wuxuu ku booriyay inay joojiyaan ama hoos u dhigaan dhacdooyinka ku saabsan khilaafaadka.

 

Guddoomiye Saleebaan ayaa sidoo kale la waydiiyay hammigiisa sii hogaaminta golaha guurtida, isagoo ku gaabsaday in haddii uu gudan kari waayo hawsha laga bedelo.

 

 

https://www.youtube.com/watch?v=EdqJLGLZP7Y