Guddoomiye Saleebaan Oo Ka Hadlay Halka Ay Marayso Waan Waantii laga Dhexwaday Cirro iyo Baashe

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha golaha guurtida  Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay inay meel wanaagsan u marayso waan waanta laga dhex wado guddoomiye Cirro iyo kuxigeenkiisa Baashe.

hqdefault

Waxa uu warbaahinta ka codsaday inay dhimaan wararka ay arintaas ka tabinayaan, isaga oo dagaalkii labadanmasuul dhex maray ku tilmaamay mid dunidaba ka dhaca oo aanay iyagu bilaabin, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi“Gole baarlamaan oo xugufi dhex marto kii ugu horeeyay maaha dunida oo dhanba way ka dhacdaa, waxaan laga bogsan karininna ma dhicin, meel fiican way maraysaa, waxii wanaag ah ee aynu ku biirin karaynana waynu ku biirin, ka warbaahin ahaana maalintan oo kale waxba masuuliyiinta lama waydiiyo waa intaas oo eray xun oo wax kala kaxeeyaa uu inaga dhataq yidhaahdaaye, markaas meel wanaagsana waynu maraynaa waynu isku wada ururinaynaa.”

Hargeysa Somaliland

Somalilandpost