Guddoomiye Ramaax oo ka digay khilaaf ka dhalan kara shirka Dubureed ee beesha Saaxil, qurbe-joogga gobolkana si adag ula hadlay

Hargeysa (SLpost)- Badhasaab Gobolka Saaxil Md. Maxamuud Cali Saleeman (Ramaax) ayaa ka hadlay shirka la isku khilaafsan yahay ee loo asteeyay in uu ka dhaco Deegaanka Dubur ee Gobolka Saaxil, isaga oo sheegay in koox kali ahi afduubto shirka oo aanay beeshu u dhammayn, waxaana uu ka digay khilaaf iyo kala-tafaraaruq ka dhex dhaca beesha gudaheeda.

Mr. Ramaax oo safar shaqo ku jooga magaalo-madaxda dalka ee Hargeysa ayaa arrintan ka warramay mar uu warbaahinta qaarkood la hadlayay.
Gudoomiyaha Saaxil Mr. Ramaax ayaa dhanka kale u soo jeediyay Qurbe-joogga gobolka inay ka qayb-qaataan horumarka ka hana-qaaday gobolka Saaxil isla markaana ay ka war-hayaan xaaladda dhabta ah ee gobolka.

Mr. Maxamud Cali (Ramaax) ayaa waxa kale oo uu ka warbixiyay xaalada guud ee gobolka isaga oo sheegay in ay haatan tahay mid aad u wanaagsan iyada oo xiligan lagu jiro xagaagii ayaa hadana dadka reer Berbera ay ka fiican yihiin sannadii hore marka loo eego adeegyada bulshada ee aanu ku soo kordhinay ayuu yidhi badhasaabku.
Sidoo kale waxa uu badhasaabku ugu baaqay cid kasta oo ah reer Somaliland in ay maagashadaan Magaalada istiraatiijiga ah ee Berbera gacmo Furanna ku soo dhaweynayaan maadaama ay Berberri tahay magaalo ku caan ah dhinacyo badan haday noqon lahayd Dalxiisa ama Ganacsiga taasi oo sahlaysa in cid walba ay maalgashan karto iyaguna ay soo dhaweynayaan cidkasta oo maalgashanaysa.

SomalilandPost News Desk

somalilandpost@yahoo.com