Guddoomiye Kulmiye oo ka deyriyey Halista Qabyaaladdu ku Hayso Bulshada, Siyaasadda Khaarajiga oo uu difaacay iyo Shirqool Dawladda Somaliya maleegayso oo uu ka digay

Guddoomiyaha Kulmiye
Guddoomiyaha Kulmiye
Guddoomiyaha Kulmiye

Hargeysa (SLpost)-Guddoomiyaha Xisbul-xaamika ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay qabyaaladda iyo heerka ay wakhtigan dalka ka marayso oo uu deyriyey, isaga oo ayaan-darro ku tilmaamay in waxyeelladoodu ay saamayso hanti lama-taabtaanka ah ee Qaranka oo ah Dhalinyarada iyo Haweenka oo uu sheega inay wakhtiyadii hore ka fayoobaayeen qabyaaladda.

Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlayey munaasibad lagu soo gunaanaday tartankii ciyaaraha Gobollada, waxa uu si adag u difaacay siyaasadda Arrimaha Debedda Somaliland oo uu sheegay inay meel fiican marayso wakhtigan isla markaana aan hoggaaminteeda looga cabsi qabin inay dheellido muddada uu jaraheeda hayo Madaxweyne Siilaanyo, sida uu ku tooday Gud. Muuse.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu Beesha Caalamka uga digay qorshe Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ku damacsan yahay in Xawaalada lacagta dira ee wada-shaqaynta la leh bandhigayada Yurub, gaar ahaan Ingiriiska Albaabada loo laabo, lacagta Qurjejoogtana  la soo mariyo Baanka Dhexe ee Soomaaliya.

Ugu horeyn isaga oo ka hadlay dhibaatada qabyaaladdu ku hayso bulshada, waxa uu yidhi, “Qabyaaladda Masaajidka waynu u diidnaa. Mikirifoonada Xisbiyadan waynu ka xaaratimaynaa, Odayaashuna way ka dar-daarmaan. Haddana bahashii socotayoo ilaa Ciyaartoygii ayay inaga gaadhay oo way sii socotaa. Berigii hore waxa qabyaalada inooga fayoobaa Haweenka iyo dhalinyarada, waxaanan ka xumahay in Ciyaartoygiina ay qab-yaalad isku qab-qabsadeen,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. “Dhalinyaradu anaga way na canaananayeen oo waxa lahaayeen Odayaashiina Siyaasiyiinta ah idinka ayaa qabyaalada ku shaqaysta oo dadka kharibaya, cannaantana waanu qadan jirnay. Waar idinkuna dhaliyarow ma waddadii xumayd ayaad maraysaan? Waa inaad taas ka baydhaan,” ayuu hadalkiisa raaciyey Guddoomiyaha Kulmiye.

Guddoomiye Muuse oo saamaynta qabyaaladdu bulshada ku yeelatay ka sii hadlaya waxa uu yidhi, “Waxa ayaan-darro ah in qabyaaladii ay inaga gashay Guurtidii. Salaadiintii ayaynu badinaa, Cuqaashii ayaynu badinay, waxaana nasiib-daro ah inay iyagii ay qabyaaladii soo hore mariyeen oo waliba inagoo cadow badan leh inta uu cumaamad soo saarto garabka mikirifoonka soo hor-fadhiisto ayuu odhanayaa ‘haddii aanu nahay reer hebel sidaas yeelimayno.’ Marka aad taas leedahay miyaanad ogayn in Qarankii dhamaa ee aynu dhisaynay inaad Ummadda aynu la dagaalamayno aad tusayso inaynaan ahayn Qaran ee aynu qolo-qolo isu-haysanno.”

 Waxa uu Guddoomiyaha Kulmiye si adag u difaacay dhaliilaha xisbiyada Mucaaradka ee ka dhanka ah siyaasadda arrimaha Debedda ee Xukuumadda,  isaga oo dhanka kale gar-naqsi u jeediyey beesha Caalamka,  waxaanu yidhi, “Mucaarad badan ayaa Kulmiye ku cannaanta arrimaha debadda.  Saddexdaas sannadood qorshaha uu ku socdaa ee uu ku taagan yahay waxa nuxur u ah khud-badii Madaxweynuhu uu ka jeediyey Ankara markii la ishor-fadhiyey ee la doodaayey Ninkaas Xamar Xukuma, taas ayaa Udub dhaxaad inoo ahayd.

“Ingiriiska iyo Barack Obama iyo mid walba waxaanu leenahay wax Ummaddayadu ay doonayn cidna uga haybaysan mayno oo nin walba sicad ayaanu ugu sheegaynaa. Waxaanu rabnaa in Somaliland aanu noqono Dal xora oo nabad jaarka kula noolaada, laakiin go’aankiisa iyo xoriyadiisa isagu leh. Taasna waxaanu u soo marnay wax aan cidna u soo marin, mana aq-balikarno Xafiis naloogu yeedhaayo oo halkan ah, markaa Siyaasadda arrimaha debadduna wataas. Cidda hogaanka u haysaana waa Siilaanyo oo aad og-tihiin inta uu u soo maray iyo inta uu la mid yahay oo Nin-na looga haybaysan mayo, mana war-warayno.”

Muuse Biixi waxa uu ka digay qorshe dawladda Somalia ku burburinayso Xawaaladaha lacaga loogu soo diro qoysaska Somaliland, iyaga oo ku qancin raba dawladda Ingiriiska in la xidho xisaabaadka ay xawaaladuhu kuleeyihiin bangiyada Ingiriiska. “Caalamka waxaanu u sheegaynaa Ninka Xasan ee Xamar sakad ayuu maraa oo xabadu waxay ka dhacaysaa Kismaayo iyo Baardheera. Waxa uu qorshaynayaa oo Ingiriiska ayuu kala tashanayaa sidii Xawaaladaha lacagta oo dhan loo joojin lahaa ee lacagta loogu soo shubi lahaa Baankiisa, markaa maanta ayuu Ingiriiska la tashaday oo uu ka aq-balay. Waxaanu leenahay waa xaq-daro oo waanu ka dhawaqaynaa aq-balimayno in lacagta la soo mariyo Bankiisa oo Aabihisii Af-waynaba waanu ka diidnay,” ayuu yidhi Muuse Biixi, waxaanu intaas ku daray isaga oo baaq u diraya shacabka Somaliland, “Waxaan Bulshada Reer Somaliland ugu baqayaa in xoriyadeena is garabtaagno si aynu uga baxno carqaladaha uu kow ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud iyo inta la socota,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Talada dalka Haya ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi.

SOMALILANDPOST.NET