Guddoomiye ku-xigeenkii Saddexaad ee Urur-siyaasadeedka WADDANI oo shil baabuur ku geeriyooday iyo dhaawacyo soo gaadhay Masuuliyiin kale

Hargeysa (SLpost)- Alle ha u naxariistee waxaa Maanta Shil baabuur ku geeriyooday Gudoomiye ku xigeenkii 3aad ee Urur Siyaasadeedka Wadani Marxuun C.laahi Siciid Ismaaciil (Cabdilaahi Dheere), halka uu dhaawacyo kala duwanina ka soo gaadheen Gudoomiye ku xigeenkii Shanaad ee Ururkaas Cabdi Raygal Beegsi,iyo Xildhibaan Cali Xaaji Maxamed oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada, kadib markii uu gaadhi ay saarnaayeen kula qalibmay inta u dhaxaysa Wadada isku xidha Lafa Ruug iyo Abdaal .

Madaxdan ayaa ku sii jeeday Magaalada Berbera oo ay kaga hortageen Soo dhawaynta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Wadani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Wefti uu hogaaminayay oo dalka dib ugu laabtay galabta kadib markii ay soo dhamaysteen Booqasho ay in mudo ah ugu maqnaayeen dalka dibadiisa.

Dhaawaca Gudoomiye ku xigeenka Afraad ee Urur Siyaasadeedka Wadani Cabdi Raygal Beegsi iyo Xildhibaan Cali Xaaji Maxamed ayaa lagu dawaynayaa Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa iyadoo Mudane Cali Xaaji Maxamed la sheegay inuu dhaawaciisu culus yahay.

Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Urur siyaasadeedka Waddani, oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid gudoomiye ku xigeenkii saddexaad ee Urur siyaasadeedka Waddani  ALLA ha u naxariistee CABDILAAHI SICIID DHEERE oo maanta ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay Berbera iyo Hargeysa Dhexdooda.

Marxuum Cabdilaahi Siciid dheere

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.

MARXUUM CABDILAAHI SICIID DHEERE waxa uu ka mid ahaa aqoon yahankii ka soo qayb qaatay nabadayntii iyo dawladnimada Somaliland,

Wuxuu ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qayb qaatay bilowgii nidaamka dimu-quraadiyada ee Somaliland ka hana qaaday.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Urur siyaasadeedka Waddani, Masuuliyiintiisa iyo taageerayaashiisa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga reer Somaliland,  ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa tacsi u diray Qoyskii,Qaraabadii  uu ka baxay alle ha u  naxariistee Marxuun C.laahi Siciid Dheere.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa tacsi u diray Qoyskii,Qaraabadii  uu ka baxay alle ha u  naxariistee Marxuun Cabdilaahi Siciid Dheere.

SOMALILANDPOST.NET