Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye ee Maraykanka iyo Wefti uu hoggaaminayo oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga Ameerika, Farxaan Axmed Maxamed iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo ay weftigu ka soo dageen.

Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye, Madax-dhaqameed, Haween, Dhalinyaro iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo ku gaashaaman Calanka Xisbiga, ayaa Saraakiishan soo dhaweyn ballaadhan ugu sameeyey gegida diyaaradaha ee Egal International Airport.

Hoos ka daawo Warkan Warkan oo faahfaahsan