Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiillada Oo Sheegay Inuu Soo Dhawaynayo La Dagaalanka Musuqa Ee Madaxweynuhu Iclaamiyay

(SL.Post) Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay inay muhiim tahay in hantida qaranka la ilaaliyo madaama ay Doorashadii Madaxtooyadu fooda inagu soo hayso, dhawr biloodna inaga xigaan, waxaanu Madaxweynaha ku bogaadiyey wareegtadii uu ka soo saaray in lala dagaalamo musuq-maasuqa.

baashe_maxamuud

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa sidoo kale guud ahaan Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay nabadgalyadooda ilaashadan, oo ay is caawiyaan, waxaanu ku taliyey in la xakameeyo cudurka shuban biyoodka ee deegaano ka mid ah Somaliland ka dilaacay, waxaanu ka digay in aanu sii fidin, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Markan oo kale ee ay Dawladduhu is bedelayaan, wakhtiguna ku soo dhawaado, kalsoonidu wey yaraata, in hantida dadka la ilaaliyaana waa muhiim,in Madaxweynuhuna ku dhaqaaqo talaabadan ah in musuq-maasuqa lala dagaalamo, waa talaabo fiican oo aan ku bogaadinayo, in hantideena ilaashano oo ay waddo xalaal ah maraan iyana waa talaabo aad u fiican oo loo baahan yahay”.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiiladu mar uu baaq u diraayey Bulshada wuxuu yidhi “Bulshada reer Somaliland waxaan ku dhiirigelinayaa inaynu nabadgalyadeena ilaashano, inaynu is caawino, inaynu isku naxno, inaynu isku gurmano”

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiilada mar uu ka hadlaayey cudurka Shuban biyoodka ee deegaano ka mid ah Somaliland ka dilaacay ayaa yidhi“Shubanka mar haddii uu meel ka bilaamo isma taago, ee meelo kale ayuu ka bilaabma, madaama dadkii aan la kala celin karin, oo ay gaawadhida soo raacayaan, in la daweeyo dadka uu shubanku ku dhacay iyo in la xakameeyo weeye, si aanu cudurkani u sii fidin”.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada ayaa dhinaca kale wuxuu ka hadlay xuska 18-may, oo maalmo inaga xigaan, waxaanu sheegay inuu Madaxweynaha ugu mahadnaqayo inuu baajiyo madaama abaaro dalka ka jiraan, waxaanu tilmaamay in qorshe fiican tahay in kharashka lagu qabanayo xuska 18-may lagu caawiyo dadka ay abaaruhu hayaan.

Somalilandpost.net