Guddoomiye ku-xigeenka DAWAN MEDIA GROUP oo sharraxay Qorshe ay Midabka kaga Beddeleen Wargeysyadooda

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye Ku xigeenka ahna Tifaftiraha Guud ee Wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax, ayaa tafaasiil ka bixiyay Qorsheyaasha horumarinta saddexda Wargeys ee DAWAN Media Group, kuwaasi oo dhawaan lagu soo saaray midab kalar ah (Colour).

cumar faaraxGuddoomiye Ku xigeenka wargeyska DAWAN oo maanta xafiiskiisa ugu warramayay warbaahinta, waxa uu sheegay inay ka beddeleen midabkii hore ay ugu soo bixi jireen Saddexda Wargeys ee ku soo baxa luuqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo English, kuwaas oo Muuqaal Colour ah laga dhigay boggaga ay ku soo baxaan qaarkood.

“Waxaan idiin sheegayaa in muddo tabaneeye maalmood ku dhow wargeysyada DAWAN Media Group oo ah saddex wargeys oo mataanno ah oo kala ah Wargeyska DAWAN oo afar maalinle ah, Wargeyska Ingiriisiga ku soo baxa ee THE HORN TRIBUNE iyo wargeyska carabiga ah ee QARNUL IFRIIQI, ay saddexdaba aanu ka dhignay inay ku soo baxaan kalar oo aanu ka guurnay nidaamkii hore ee ahaa (Black and white-ka) ahaa oo imika nidaamkan cusub ee aanu u guurnay wuu tijaabo baxay. Waxaana aanu midabaynay bogga koowaad iyo ka 12-aad ee wargeyska, taasi oo si fiican ay u soo dhaweeyeen akhristeyaashayadda oo dareen togan kaga fal celiyay,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka DAWAN MEDIA GROUP.


Guddoomiye Ku xigeenku waxa uu sheegay in wargeyskoodu uu yahay kii u horeeyay ee dalka ka soo baxa ee tallaabadan midabka ah u guuray, waxaanu intaas ku daray in ay qorshaha dhow ay ugu jirto sidii ay 12-ka bog ee wargeyskaba u midabayn lahaayeen.

Cumar Maxamed Faarax waxa uu ku ammaanay tallaabaddan Guddoomiyaha DAWAN MEDIA GROUP Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) iyo Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu yidhi “Waxaan ku ammaanayaa tallaabadan inuu budh-dhig u ahaa Guddoomiyaha DAWAN oo in badan isku hawlay, waxa kale oo aan uga mahad celinayaa oo iyaguna hormuud noogu ahaa ficil u rogista qorshahan Wasiirka Warfaafinta iyo Ku xigeenkiisa.”

“Runtii arrintani waxay qeyb ka tahay uun horumarin joogto ah oo wargeyadda qaranka lagu sameynayay afartii sanadood ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka haysay, waxa wargeyska DAWAN ka kooban yahay 12 bog, halka wargeysyadda kale ee dalka ka soo baxaa ay yihiin 8 bog oo kaliya. Waxaanu wargeysku mudadaasi u qabsoomay waxyaabo badan, waxaanu noqday wargeys dhex dhexaad ah oo xataa xil iska saaro inuu si wax dhisid ah u soo bandhigo dhaliilaha Hay’adaha dawliga ah ee dalka, madax-banaanidaasi oo aanaan hore u haysanin intii aanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xilka qabinin,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka Wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax.

Waxa kale oo uu ku dooday in qorshaha kalarka cusub ee wargeysku u guuray ay u soo jiidayso in sharaa’iga Ganacsiga dalka ay u sameeyaan xayaysiisyo ka Qurux badan sidii hore isla markaana ay kor u qaadayso akhristeyaashoodii.

 

SOMALILANDPOST.NET