Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad Ee UCID Oo Sababeeyay Aqbalaadoodii Go’aanka Komishanka

Hargeysa, (SLP)- Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) ayaa ka warbixiyay sababihii ku qasabay inay aqbalaan go’aankii komishanka doorashooyinku ku cayimay qabsoomida doorashada madaxtooyada iyo wakiillada.

Cali Gurey oo maanta warbaahinta kula hadlayay xafiiska xisbiga UCID ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee keentay in doorashadu dib u dhacdo ay tahay xeerkii diiwaangelinta ee uu madaxweynuhu u gudbiyay baarlamaanka, kaasoo uu sheegay inay wax badani ka qaldanaayeen.???????????????????????????????

Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad UCID ayaa madaxweynaha ugu baaqay inay xisbi ahaan aqbaleen go’aankii komishanka, isla markaana looga baahan yahay inuu si dhakhso digreeto madaxweyne ku hirgeliyo go’aankaas.

Cali Maxamed Yuusuf ooo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi.“Doorashada madaxtooyada iyo wakiillada oo la filayay inay qabsoomaan bisha June ee sannadkan, waad ogaydeen oo dib ayay u dhaceen, laakiin waxaanu dadka u sheegnay, horena loo ogaa bulshada caalamkuna ku boorisay, qirtayna in doorashadaasi suurogal tahay sannadkana 2015-ka qabsoonto.

Waxa uu Komishanku ku dhawaaqay in labadii doorasho ay ka qabsoomi doonaan 1-da bisha June 2016, waa nasiib-darro in labadii doorasho ee Somaliland iyo Soomaaliya ayay isku beegmaan . sababta meesha ku jirtaa waxa weeye maxaa dib u dhigay doorashada, qofka marka uu masuulka yahay ee uu weliba xil hayo ee uu ummada u dhaarto waxa u wanaagsan hadduu hadlo inaanu been sheegin, haddii la aamino inaanu wax khiyaamayn, hadduu wacad galena inuu oofiyo. Markhaati cad ayay leedahay cidda doorashada dib u dhigtay , xeerkii lagu qaban lahaa diiwaangelinta iyo heshiiskii aanu wada gaadhnay ciddii ka baxday ayaa horta doorashada dib u dhigtay, waxaanad ka arkaysaa laba nuqul oo qabyo-qoraal ah, nuqul wuxuu ahaa nuqulkii komishanka doorashooyinku u gudbiyay madaxweynaha ee diiwaangelinta madaniga ah ee aan ka hor imanayn axdigii la wada galay ee ahaa in laba diiwaangelinood oo kala madax-banaan la qabto, midna waxa weeye inkastoo anigu aanan xeer odhan Karin, waayo xeer muu ahayn xeer 37 ayaa lagu qoray, laakiin muu ahayn, mashruuc sharci oo cusub-na muu ahayn, wuxuu ahaana garan maayo anigu, laakiin wixii uu madaxweynuhu saxeexay ee uu gudbiyay golaha wakiillada, labadaas farqiga u dhexeeya markaad eegto iyamaa sax ahaa oo doorasho ku qabsoomi karaysay 26-ka iyo keebaa doorashada lagu baabiinayay.”

Guddoomiye kux-geenka 3aad ee UCID isagoo faahfaahin ka bixinaya aqbalaadii xisbi ahaan ee go’aankii komishanka waxa uu yidhi.  “Komishanka doorashooyinka maalintii uu ku dhawaaqayay habeennimadeedii faq badan, dedaal badan iyo orod badan ayay ku jireen qolada, labadayada xisbi kulan aanu ku midaysanahay namay arag. Annaga oo UCID ah ayay nagu soo horeeyeen, waxay nooga warrameen xaaladda jiqda ah iyo marxalada adage e dalka iyo doorashooyinkiiba ay marayaan, waxaanu aragnay inuu carqalada ku yahay inay sannadkan qabsoonto xeerkii baarlamaanku soo saaray ee odhanayay lix bilood gudahood ayaa laga dhgayay lix bilood ka dib halaga dhigo, waxay noo sheegeen xeerkaa haddaanu diidno anagu inaynu qasab noqonayso in xeerkii ay ku celiyaan wakiillada oo aanu ognahay iyaguna ay ogyihiin haddii xeerkaa dib loogu celiyo wakiillada inaanu kasoo bixi doonin laba sannadood, waayo dad qayra masuul ah oo aad rakayseen markii warbixinta uu komishanku siinayay kuwii fadhiyay tobanka sannadood ku dhaliilayay komishanku inay cayimaan, iyagoo og inay xaq u leeyihiin inay cayimaan taariikhda doorashada, kuwaa in lagu celiyo xeerka waxay noqotay inaanu aqbalno anaga oo eegayna danta ummada, anaga oo eegayna komishanku inuu suurogeliyo oo ay suurogasho xilkii loo igmaday.”

Cali-gurey waxa uu madaxweynaha ugu baaqay inuu dhaqan-geliyo go’aankaas, sidoo kale waxa uu sheegay in sannadka ay komishanku kordhiyeen ay xisbi ahaan ogol yihiin inuu madaxweynuhu kursiga kusii fadhiyo. “Madaxweynahana intaasoo jeer ayaynu ka haynaa isaga oo leh waxaanu sugaynaa inta ay komishanku kasoo saarayaan xilliga ay doorasho ku qaban karaan, waxaanu leenahay madaxweyne way soo saareene adigu digreeto ku ansixi.” ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray.

Somalilandpost.net