Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada oo Doorashadii Guddi hoosaayada u saxeeyay guddiyadii is-doortay iyo Madaxtooyada oo karamadii ka riday ka dib markii ay yidhaahdeen kala hadal .

Guddomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada oo ku wehilanayay Guddoomiye Cirro inuu soo saaro liiska isku bedelka guddi hoosaayada ayaa hadana maanta warbaahinta horteeda ka sheegay inuu khaldmay taas oo fajac iyo anfariir ku noqotay dadweynaha reer Somaliland.
QALIN
Guddomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada oo ah nin da’ ahaan weyn isla markaasna  sumacad ahaan ku wanaagsan saaxada siyaasada oo aan looga baran liqista kiniinka guulwadaynta ayaa haadan u muuqda mid si dad badan ay maradu uga dhacday taas oo kelifkeeda uu lahaa maamulka talada la ciir ciiraaya ee gadh-wadeenka ka yahay Madaxwenaha lagu xanto inaan talada wadanku gacanta ugu jirin MD Axmed Maxamed Maxamuud (silaanyo), waxaanu MD Cali Yuusuf maanta afkiisa ka sheegay ereyadan “Aniga iyo Guddoomiye Cirro waan isla ogayn isku shaandhayntan.” Taas marka aad eegto waxaa maskaxdaada ku soo dhacaysa cali waa nin weyn ee talow ma xasuustii ayaa yara cawantay, markaas waxaan Cali u soo jeedin lahaa inuu iska akhriyo warqadaha sharaf dhaca ku ah karaamadiisa ee Dawlada tabacaanka ahi ee laga sugaayay inay dadka waxqabada wanaagsan ku hogaamiyaan ay lacagtii yarayd ee islaahama tamaadhada iibinaaya ka soo qaadeen u qaybinaaya Xildhiibadana ay kabuhu kaga dhamaadeen kadinka Xafiiska madaxtooyada ee kalba inan yar oo xoghayn ahi leeyahay odaygii waa hurtaa ee buuqa kala baxa xafiiska lacagtii Baashe ayaa loo soo dhiibee.