Guddoomiye Faysal Oo Ka Soo Horjeestay In Dalku Laba Madaxweyne Ku Xigeen Yeesho, Kana Hadlay Tabashada Kuraasta Wakiilada Awdal iyo Selel

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ka soo horjeestay in dalka loo sameeyo laba madaxweyne kuxigeen, fukirkaas oo mudooyinkii ugu danbeeyay ka soo ifbaxaayay gobalada bariga Somaliland.

waxa uu sida oo Kale Faysal Cali Waraabe ka hadlay sida loo xalinaayo xeerka dib loogu soo dooranaayo golaha wakiilada oo gobalada Awdal iyo Selel ay ka biyo diideen. waxaanu ariman kaga hadlay waraysi uu siiyay tilifishanka Somalinews, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “2005-tii ayay sidaas ay maanta uga baxeen reer Awdal uga baxeen waxaanu ku qancinay wakhtigaas in ay kumeelgaadh noqoto, waxaan u arkaa in aanay dalka meelna ka socon maxaa dalka u u dan ah ee ay meel walba ka socoto maxaa adiga kuu dan ah, kuwa geeyayna waxay ka lahaayeen dan ee ismay lahayn wax hagaajiya,imikana in laga soo celiyo way ahayd, in layska fadhiyana maaha ee in arinta la xaliyo weeye, gudidaas baarlamaanka ee lasaaray iyo sadexda xisbi iyo komishanku inay gogasho dhigaan weeye sidii aanu 2005-tii yeelnay, halkaas lagu wadahadlaa oo lagu heshiiyaa waxii looga guuri lahaa habkan aynu imika wax ku soo dooranay, in hada hadii ay suurtogal tahay lagu dhaqaaqo, hadii kalena in xeerka lagu qoro habkaas looga guuri doono.”

Faysal Cali Waraabe oo wax laga waydiiyay fikirka laba madaxweyne ku xigeen in Somaliland yeelato waxa uu yidhi“Dastuurkeena dib ayaa loo eegi doonaa waxa taagan guurtida ma u baahanahay, habkan aynu ku shaqaynay ee doorashooyinku ma shaqeeyay ayaa iswaydiin leh, ma kabnaa ma badalnaa, in hadii madaxweynuu uu helo wax 50% codka ka yar in dib doorashada loogu celiyo oo uu xisbiga sadexaadna mid gacan siiyo, wax badan ayaa inoo hadhsan, dastuurka ayaynu furi doonaa oo waxii inaga qabyo ah waynu furi doonaa, maanta dawladii way fadhidaa, baarlamaankii waa uu fadhiyaa waa wada baarixi markaas aynu baarixiga ka takhalisno, waa in aynu muraayad qaran qaadanaa laakiin laba  madaxweyne ku xigeen ayaan samaynayaa waxay ahayd awood qaybsi ee beeshuu uu ku soo hagaagayay madaxweyne kuxigeenku hadii aad sii kala qaybiso ma waxbaad faa-iday mise waad qasaartay.”