Guddoomiye Faysal oo Ka Hadlay Dagaalkii Shalay Dhexmaray Guddoomiyaha iyo Kuxeenka Wakiilada

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ku dhexmaray golaha wakiilada guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa.

 

faysalFaysal waxa uu eeda saaray guddoomiye ku xigeen Baashe Maxamed Faarax oo uu ku tilmaamay mid aan si wanaagsan u dhaqmin,waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Wixii wakiilada shalay ka dhacay waxay dusha ka saarantahay boqolkiiba sideetan guddoomiye ku xigeenka,sida uu u macaamilay si odaynimo ah iyo si sharci ah midna ma ahayn, guddoomiyahu sharcigooda ayuu cuskaday, isaga oo sheegay hadii mooshinku uu fadhigan ku dhaco in ka danbe la keeno, arintu halkaas ayay ku dhamayd laakiin in mikirifoonka la qabsado oo lagu dagaalamo, guddoomiye ku xigeenka ayay dusha ka saarantay, guddmiyahuna gacanta ayuu ku horeeyay ayaa la yidhi, markaynu dhab ahana eegno waxani waxay u dhacayaan waa sababo badan, sharcigeenu waxa uu qorayaa inuu baarlamaanku yeesho guddoomiye iyo laba ku xigeen, guddoomiyahii way badaleen oo waxay u badaleen shirgudoon, aduunka ma jirto baarlamaan sadex nin ay hogaamiyaan sidii maxkamadii, Cabdiraxmaan shalay waxa uu yidhi ma yeelanayo golahu laba guddoomiye, sadexbaabu leeyahay ee hadii ay ku kala duwan yihiin inuu marka horeba ogalaado maaha.”