Guddoomiye Faysal oo bogaadiyey Safarka Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalka Guinea

Hargeysa (SLpost)- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyey safarka uu ku tagay dalka Guinea iyo guusha dibloomasiyadeed ee ka dhashay, kaddib markii si heer caalami ah loogu soo dhaweeyey dalkaas.

 

Guddoomiye Faysal waxa uu dhinaca cambaareeyey Dowladda Soomaaliya si muujiyey inay ka xun tahay xidhiidhka Somaliland la samaysay dalka Guinea, iyadoo dowladda Muqdisho ku dhawaaqday inay xidhiidhka u jartay dalkaas oo aanay wadaagin xidhiidh dibloomaasi ah.

 

Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta saxaafadda kula hadlay Xarunta Xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa, waxa uu ugu baaqay shacabka inay taageeraan xukuumadda isla markaana meel uga soo wada-jeestaan wax uu ku tilmaamay duulaan qaawan oo lagu hayo Qaranimada Somaliland.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE