Guddoomiye Faysal C Waraabe oo ka hadlay Xaaladda Gobollada Bari ee Dalka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland duullaan siyaasadeed ku socdo, isla markaana loo baahan yahay in loo midoobo difaaca Qaranka. Waxaanu Warbaahinta u soo jeediyey inay wixii qaranka dhib ku ah ka dheeraadaan, balse iftiimiyaan dhalliilaha dul-hoganaya hoggaaminta Madaxweyne  Muuse Biixi.

 

Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta qaarkeed kula hadlay Hargeysa, waxa uu si kooban uga hadlay xaaladda ka taagan gobollada Bariga Somaliland, gaar ahaan degmada Badhan oo laga taagay Calanka Puntland, kaas oo uu sheegay inuu meesha ka bixi doono sidii Calankii Soomaaliya uga baxay, dhulkuna yahay Somaliland oo aanu guuri doonin.

 

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Hadalka Guddoomiyaha