Guddoomiye Cirro Oo Xukuumada iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Ku Tilmaamay Inay Diiwaangalinta Ka Cagajiidayaan

Somaliland(SLpost)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa xukuumada iyo wasaaradeeda arimaha gudaha ku dhaliilay inay codsadeen in diiwaangalinta dib loo dhigo.

Waxaanu uga digay inay qaadaan talaabo lidi ku ah diiwaangalinta oo dib u dhigi karaysa hawlaheeda shaqo, waxaan isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Waxa aad moodaa guusha diiwaangalinta inay banjarinayso xukuumadeenu wararkii ugu danbeeyay ee aanu helnay magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer ee ay ka bilaabmayso diiwaangalintu waxay soo xaqiijiyeen in ay hayd in maanta la diro dhamaan dadkii diiwanagalinta ka hawlgali lahaa oo ay ka mid yihiin shaqaalaha komishanka, wakiilada wasaarada arimaha gudaha iyo muraaqibiinta asxaabta, komishanku shaqaalihii waanuu keenay,asxaabtuna muraaqibiintii waa ay keeneen, wasaarada arimaha guduhu may keenin wakiiladeedii waliba waxay codsatay in diiwaangalinta dib loo dhigo asxaabtu iyada oo midaysan arintaas way ka diideen komishankuna waa uu ku raacay, waxaanu u soo jeedinaynaa xukuumada iyo wasaarada arimaha gudahaba inay gutaan xilkooda oo aanay ku kici wax diiwaangalinta dib u riixaya.”