Guddoomiye Cirro oo u hanjabay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

 

HARGEYSA (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka hadlay ansixinta Golaha Wakiillada ee Xubnaha Madaxweynaha, Golaha Guurtida iyo Xisbiga UCID u soo xuleen inay noqdaan Komiishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland.

Xubnaha Shalay Golaha Wakiilladu ansixiyey oo tiradoodu dhan tahay Lix xubnood oo ay ku jiraan laba xubnood oo Xisbiga WADDANI si gaar ah u diidanaa ayaa Dalka ka abuuray khilaaf siyaasadeed oo ku salaysan sharciyadda loo maray ansixintooda, maaddaama oo WADDANI diiddan yahay, Xubintiisiina ka maqan tahay.

Guddoomiyaha WADDANI oo Arrimahaa ka hadlay Maanta ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi hab-dhaqankiisu yahay Caragsi isla-markaana uu Xisbiyada Qaranka ee Mucaaradka ah ku carigsanayo, sidaasi darteed haddii aanu wax ka beddelin Hoggaamintiisa ay Xisbi ahaan qaadi doonaan Tallaabo kasta oo ay Dalka ku bedbaadinayaan.

“Waxa aanu Muuse xassuusineyna in aanu dalkan xoog iyo xabad midna ku qabsan kuna haysan karaynin..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Haddii uu ku sii wado carigsiga iyo sharci jiidhka, waxa aanu ku dhaqaaqi doona tallaabo kasta Oo Qarankan lagu bad-baadinayo.”

Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadal Guddoomiyaha

https://youtu.be/7p6JHTN_vic