Guddoomiye Cirro Oo Si Adag U Cambaareeyey Xadhiga Xarunta Iyo Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI

“Weli may dhicin Somaliland xisbi qaran oo inta uu ciidan qabsado ay yidhaahdaan kasoo baxa, waa markii ugu horeysay”cirro

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa nasiib-darro iyo taariikh xumo ay xukuumadda talada haysaa ka tageyso ku tilmaamay xaruntaas oo ciidanka ammaanku la wareegeen saaka, isla markaana ay xabsiga dhigeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga oo mudaharaad abaabulayay, kaasoo ay kaga soo horjeedeen muddo kordhinta ay golaha guurtidu u sameeyeen xukuumadda iyo golaha wakiillada.

Guddoomiye Cirro oo falalkaas xisbigiisa lagu kacay ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaan taariikhda Somaliland weli dhicin xarun xisbi qaran ay ciidan la wareegaan, waxaanu ku tilmaamay mid magic-xumo dalka oodhan usoo jiidi karta. “Masuuliyiin badan ayaa la xidhay intaan ogahay labaatan ayaa la ii sugay, qaar kale oo aanan ogayna waa laga yaabaa inay jiraan, waxaana ka mid ahaa dadkaas la xidhay masuuliyiintii ugu sareysay ee hogaanka xisbiga ka mid ahaa, kuwaasoo qaarna guryihii ay deganaayeen loogu dhacay, qaarna goobihii ay joogeen laga soo qabqabtay.” ayuu yidhi guddoomiyaha WADDANI, waxaanu intaas ku daray, isagoo ka hadlayay masuuliyiin ka tirsan xisbigaas oo iyagana lagu xidhay magaalada Berbera. “Gobolka Saaxil ilaa toban qof oo uu ku jiro guddoomiyihii gobolku iyo saraakiil sarsare oo dhalinyaro iyo dumarba leh.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay ciidamada ammaanka oo la wareegay xarunta xisbigaas, waxaanu yidhi. “Waxa kale oo ayaan-darro in xaruntii xisbiga oo guddoomiye ku-xigeenkii iyo masuuliyiintii kaleba joogaan in ciidan boolis ah oo gawaadhi gaashaaman wataa ilaa siddeed baabuur ay amar kusiiyeen oo ay qasab kaga soo saareen xafiisyadii ay fadhiyeen oo ay la wareegeen ciidanku, weli may dhicin Somaliland xisbi qaran oo inta uu ciidan qabsado ay yidhaahdaan kasoo baxa, waa markii ugu horeysay, waxaan filayaa inay taariikh xun uga tagi doonaan xukuumaddan maanta joogtaa Somaliland, wax dhibaato ahi kamay jirin, wax dembi ahina kamuu socon.”

Somalilandpost.net