Guddoomiye Cirro oo Shacbiga u Diray Hanbalyo iyo Duco Dhalashada Sanadka Cusub 2016

Hargeysa(SLpost)-Gudoomiyaha xisbiga wadan ahna gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shacbiga reer Somaliland iyo guud ahaan bushada caalamka ku hanbalyeeyay sanadka cusub ee dhashay.

Si gaar ah waxa uu sadnadkan Cirro shacbiga ugu duceeyay nabad iyo ictiraaf buuxa waxaanu sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu warbahainta u soo diray, waxaanu u dhignaa sida “Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Ahn Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,isagoo ku haddlaya Magacisa ka Shir- Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Ka Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADDANI, wuxuu hambalyo Iyo Duco U Dirayaa Dhamaanba Shacabka weynaha reer Somaliland Meelkasto oo ay Joogaan iyo Guud ahaanba shucuubta aduun weynaha, Curashada sanadka cusub ee Miilaadiga Awgeed 2016, kaas oo uu curashadiisu ku beeganyahay habeenka Jimcaad Ee Caawa Ah.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxaa uu Illaahay uga baryeyaa umada reer Somaliland inay sanadkan, sanadkiisa ku gaadhaan bash bash, barwaaqo iyo nabad qab. Iyo weliba ictiraaf buuxa, Isaga oo sida oo kalena Illaahay uga baryey guud ahaanba inta xanuunsanaysa in uu xanuunka ka dulqaado, intii dhimatayna uu u naxariisto oo janatul Fardawsa uu ka waraabiyo.

Waxaana uu guddoomiye Ciro uu leeyahay hambalyo hambalyo Alleh sanadkan sanadkiisa nabad iyo Ictiraaf buuxa oo aynu helno & caafimaad qab, cimri dherer iyo cibaado suuban, ha ha inagu gaadhsiiyo