Guddoomiye CIRRO oo Sababeeyey Dib-u-dhac ku yimi Kalfadhiga 26aad ee Golaha Wakiillada oo maanta loo ballansanaa

Hargeysa (SLpost)- Kalfadhiga 26aad ee Golaha Wakiillada oo maanta oo Sabti ah loo ballansanaa inuu furmo, ayaan qabsoomin ka dib muddo dhowr todobaad ah oo mudaneyaashu fasax ku jireen.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Golaha Wakiillada maanta, ayaa sheegay in muddo Afar maalmood ah dib loo dhigay kalfadhigii golaha oo maanta furmi lahaa sababo la xidhiidha hawl-qabadkii kalfadhiga Golaha oo qabyo ah, sidaasna ay isla garteen shir-guddoonka kale ee Golaha.

HALKAN KA DAAWO WARKA GUDDOOMIYAHA