Guddoomiye Cirro oo Qoyska reer Boobe Yuusuf Ducaale Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timi Xaaskii Hore ee Dhashay Caruurtii Yar Yarayd ee Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale

Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa xoghayaha warfaafinta xisbiga WADDANI Muj.Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo Alle ha u naxariistee ay dalka Jarmalka ku geeriyootay xaaskiisii hore ee Sahiira Xuseen Rooble oo u dhashay caruurta bahdiisii hore ee yar yarayd.

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaana qoyska Ilma Boobe Yuusuf Ducaale, qaraabaddii, iyo asxaabtii ay ka baxday Marxuumaddu, isaga oo ku sifeeyey in ay ahayd adoon wanaagsan oo Alle ka cabsi badan, sida oo kalena u sama-fasha dadka danyarta ah.

Ugu dambeyntiina, guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu Marxuumadda Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, kana waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa, sida oo kalena uu ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii ay ka baxdayna  samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin

Innaa-Lillaahi Wa Innaa-Illeyhi Raajicuun

Xoghaye xigeenka warfaafinta xisbiga WADDANI

Md.Cabdirashiid Maxamed Aadan(Jeeni)