Guddoomiye Cirro oo Qiray in Golaha Wakiilladu ku fashilmay Xil-gudashadooda, kana hadlay Sharciyadda MADASHA, Nooca Shakhsiyaddiisa, inuu leeyahay Baasaaboor Ajaanib ah iyo Qodobbo kale

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ( Cirro), ayaa waraysi gaar ah oo uu la yeeshay Wargeyska Himilo kaga warramay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin dib-u-dhacyada doorashooyinka, Guddi uu hore ugu baaqay in Madaxweynuhu u magacaabo baadhitaanka cidda masuulka ka ah habsanka doorashada, Xeer Madaxweynuhu sheegay inuu saddex jeer u gudbiyey Wakiillada oo uu ku dalbaday in Haweenka Kuraas cayiman kooto loogaga xidho Baarlamaanka, Sharcinnimada Siyaasiyiinta Madasha wada-tashiga, ilaalinta iyo ku dhaqanka sharciga ee Golaha iyo Guddoomiye ahaanba.

Sideebuu Guddoomiye Cirro ku qaabilay Go’aanka Golaha Guurtida maanta ku soo Af-jartay Khilaafkii Golaha Wakiillada?Wareysi dhinacyo badan taabanaya oo Weriye Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska Himilo ka tirsani shalay Xafiiskiisa kula yeeshay Guddoomiye Cirro, ayuu ku sheegay inaanay waxba ka jirin warar sheegayey inuu Ingiriiska u gudbiyey dacwad ka dhan ah Ciidammada RRU, isla markaan ciddii haysaa caddeynteeda loo baahan yahay inay soo bandhigto. Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu ka hadlay waxa ay qabaan in la yeelo maaddaama oo ay doorashooyinku xilligoodii ka dib dhacayaan, isku haynta labada xi lee Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Guddoonka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI iyo qodobbo kale. Waxaanu Waraysigaasi u dhacan sidan:-

S: Guddoomiye Cabdiraxmaan, haddii la sifeeyo dabeecadahaaga, keebaa la odhan karaa inaad tahay, Nin hal-adayg leh, nugul ama go’aan adag ama go’aan jilicsan?

J: Horta, qiimayntu Shacbiga ayey u taallaa, laakiin anigu waxaan is odhan karaa nin go’aankiisa qaadan kara ayaad tahay.

S: Wakiilladu iyagaa awood u leh inay ku ilaaliyaan Waaxda Fulinta (Xukuumadda) ku dhaqanka shuruucda, haddaba, ma jirtaa Golaha Wakiillada cid awood u leh ku ilaalinta gudashada waajibaadkooda?

J: Golaha Wakiilladu wuu qeybsan yahay oo Mucaarid iyo Muxaafid ayuu kala yahay, dunida oo dhanna waa sidaa, kumana koobna Somaliland keligeed. Markaa, aragtiyaha la keeno iyo sida wax loo ilaalinayo iyo sida wax loo dabagelayo waa lagu qeybsan yahay, laakiin, waxaan isleeyahay waajibaadka intii itaalkiisa wuu gutaa Goluhu.

S: Markaa, ma waxaad leedahay ma jirto cid qaabbilsan ama ku ilaalisa Golaha Wakiillada gudashada waajibaadkooda?

J: Golaha oo dhan ayaa qaabbilsan, Guddi kastaa wuu qaabbilsan yahay. Laakiin, waxa laga yaabaa Shacbigu siduu u doonayo inaanan hawluhu u wada fulin.

S: Muxuu ku saaban yahay socdaal xubno ka tirsan Wakiilladu ku tegayaan dalka Itoobiya, sideese ayaad u xusheen Xubnahaas?

J: Waa tabobbarro caadi ah oo Goluhu u baxo, waxa baxaya Guddoomiyeyaasha Guddiyada Golaha iyo Xubno kale oo dhowr ah oo Odeyaal ah ayaa baxaya immika. Laakiin, Shuruudahu waxay ahaayeen Guddoomiyeyaasha Guddiyada Golaha.

S: Dhawaan waxaad sheegtay in Madaxweyne Siilanyo masuul ka yahay ilaalinta sharciga, Xeerkii doorashada Golaha Baarlamaanka waxa uu wakhtigan ku jiraa ajendaha Kalfadhiga Golaha, maaddaama Guddoomiye addigu masuul ka tahay soo diyaarinta ajendayaasha Golaha, maxaad la qabanaysay shantii sannadood inaad ku soo darto ajendaha Kal-fadhiyadii Golaha?

J: Horena waa loogu soo daray, ajendayaal horena wuu ku jiray, waxaad ogeyd in wakhtigu dib u dhacdhacayey, immikana waxaan ku kalsoon-nahay in wakhtigan hadhay ku filan yahay in laga gaadhsiiyo diyaarintiisa.

S: Xeerka kootada kuraasta Haweenka, waxaad sheegtay in Xisbiga WADDANI aamminsan yahay in 20% loo xidho kuraasta Goleyaasha Haweenka, haddii Madaxweyne Siilanyo markii saddexaad idiin soo gudbiyey sida uu ku sheegay Khudbad-sannadeedkiisii u dambeeyey dalabka Xukuumadda ee ku waajahan kootada Dumarka, maxaa sababay inaad u gudbin weydo dalabkaa Gole-waynaha?

J: Taa adigaa og ayaan u malaynayaa. Golaha sannadkii 2012 ayaa loo soo gudbiyey, taana golahu go’aan ayuu ka gaadhay, wax ka dambeeyey oo Maxadweynahu soo gudbiyeyna ma ogi anigu. Anigu taa ma ogi.

S: Ma waxaad leedahay ma hayno soo gudbintaa dambe ee Madaxweynahu sheegay? J: Haa. Taa dambe ma hayo anigu.

S: Maxaa ka jira inaad bilo horteed ka dalbatay Safaarada Ingiriiska ee Addis Ababa inay joojiyaan gunnada ay siiyaan Ciidammada RRU-da, sidaase u aragtaa taageerada la siiyo?

J: Waxaasi waxba kama jiraan, ciddii xaqiiqo haysaana ha keento. Annagu waxaan u haysannaa Ciidan Somaliland leeyahay, waxaana waajib ah shaqadii loogu talo-galay inuu qabto. Waxa loogu talo-galay argaggixisada iyo wixii ammaanka wax u dhimaya, ee looguma talo-gelin Xildhibaannada iyo Shacabka guryahooda jooga.

S: Muddo hore waxaad sheegtay in muddadii aad soo ahayd Guddoomiyaha Wakiillada weli aanay naftaadu isweydiin ma sii fadhidaa kursiga iyo inkale, haddii aanad diyaar u ahayn ku dhaqanka sharciga, sideed u aragtaa ama bulshadu kugu aamminaysaa?

J: Waxaan filayaa goor aanan sharciga ku dhaqmin garan-maayo, su’aasha waxaad ula jeeddo adigaa og. Anigu waan aamminsanahay, waanan ku dhaqmaa Sharciga dalka u yaalla.

S: Haddaad tidhi waan ku dhaqmaa sharciga, sidaad u aragtaa adigoo ah Guddoomiyihii Wakiillada iyo Xisbiga WADDANI, sharciga ah inuu iskaashi idin dhex-maro koox aan Sharciyad ama qaanuun dalka ku lahayn, miyaanayse suurtagal ahayn in la macaamilkiinna kooxda Madashu waddada u furto samaysanka Ururro kale oo aan sharci ahayn?

J: Nimankan Odeyaasha ah ee aad sheegayso waa niman reer Somaliland ah, shacbiga aan la kulmayno ayey la mid yihiin, maxay kaga duwan yihiin Odeyaasha Gebilay jooga een la kulano, ama gar-adag ama Oodweyne? Wax allaale waxay kaga duwna yihiin ma jirto. Qodobka aad sheegtayna markii ugu horreysay maaha, Qaran baynu ogeyn, Xisbiga Kulmiye halkuu ka taagnaa ayeynu ogeyn, Siialanyo halkuu ka taagnaa ayeynu ogeyn, markaa waxaan u haysannaa Muwaaddiniin waddanka xaq ku leh, taariikhna ku leh, annagu uma aqoonsanin Xisbi.

S: Magaca ay sheegteen ee Madasha, ma u aqoonsan tahay, mise waxaad u aqoonsan tahay inay Odeyaal bulshada ka mid ah yihiin?

J: Adiguba magac waad la bixi kartaa hadda, anigu umaan bixin magaca, haddaad adigu immika magac la baxdana kuu diidi mayo.  Laakiin, waa Odeyaal, ciddii doontaaba magac way la bixi kartaa, markaa u diidi mayno magacooda, laakiin anigu kooxda Madasha uma aqoonsani Urur, sharci weeyena maan odhan, Xisbina umaanan aqoonsan, waa sidaa.

S: Guddoomiye Musharrixiinta jagada Madaxweyne looma oggola shaqsi dhalasho kale haysta, maxaa ka jira inaad leedahay dhalasho dalka Denmark, sida hore Siyaasiyad dalkaasi u dhalatay u sheegtay in Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradku yihiin Muwaaddiniin reer Denmark ah?

J: Anigu dhalasho maan qaadan weligay waddan kale leeyahay, ama Norway ha noqoto ama wadan kale. Laakiin dhalasho Yurub ama wadan kale weligay ma qaadan.

S: Waa maxay ballan-qaadkaaga bulshada inaan weedhaha Xanafta leh ee Mucaaradku werwer ku abuurin?

J: Waxaan filayaa inaan weedhaha Mucaaradku xilligan aanay xanafba lahayn, marka la barbardhigo kuwii Kulmiye, markaa dadku waxay ka werweraanba ma jiro ayaan filayaa.

S: Dhawaan waxaad sheegtay in Madaxweynahu magacaabo Guddi soo baadha sababaha dhaliyey dub-u-dhaca doorashada, Guddigaa ma Madaxweynuhu ka go’aa, mise Xisbiyada Mucaaradkuna Xubno ayey ku yeelanayaan?

J: Anigu maalintaa waxaad moodaysay in Madaxweynuhu eedda dib-u-dhaca doorashada iska leexinayey, markaa Guddi aan u soo jeediyey Madaxweynaha inuu magacaabo, Guddiga uu magacaabo ayaan ku kalsoon-nahay, oo si dhab ah u baadhaya ciddii ka masuulka ahayd dib-u-dhaca  doorashada.

S: Guddoomiye, Xaqiiqada marka lagu soo dhawaado, doorasho suurtagal maaha xilligeedii iyo wakhti u dhaw, maxaad filaysaa in lagaga gudbi karo?

J: Way iska caddahay, waxaan soo jeedinnay talo Qaran ha laysugu yimaaddo, Madaxweynahaa laga sugayey, isagaan sugaynaa inuu isugu yeedho daneeyayaasha doorashooyinka, diyaar ayaan u nahay inaan la hadalno.

XIGASHO: Wargeyska Himilo