Guddoomiye Cirro oo Macne-la’aan ku tilmaamay Socdaalka Madaxweynuhu ku marayo Gobollada dalka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ahna guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa micna la’aan ku tilmaamay Socdaalka loogu magac-daray BUUR iyo BANNAAN ee Madaxweynaha Somaliland ku marayo gobollo ka tirsan dalka.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay inaanay jirin wax allaale iyo wax Isbeddel ah socdaalka Madaxweynuhu ka beddelayo xaaladaha ka jirta dalka maadama oo uu sida uu yidhi aanu madaxweynuhu waxba kaga qaban tabashooyin is-biirsaday oo looga fadhiyey inuu ka jawaabo.

cirro“Safarku hadduu ahaa mid wax ka qabanaya tabashada waxay ila tahay inuu munaasib ahaa laakiin, mar haddaan waxba laga soo qaban waxaa laga yabaa inaanu waxba ka beddelin jawigii jiray,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo maanta war-fidiyeennada kula hadlayey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa kaddib markii uu ka soo laabtay safar dibadeed oo uu muddo todobaaddo ah dalka kaga maqnaa, kaa soo uu ku soo maray waddamada Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta.

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu ka hadlay mowqifkooda la xidhiidha doorashooyinka, waxaanu yidhi, “Hawsha doorashada annaga Xisbi ahaan Mawqifkayagu waxa weeye in Doorashada la qabto xiligeedii, wixii hawl ah ee la qabanayana waxa laga rabaa Komishanka oo xilku saaran yahay, oo anigu waxaaban rajaynayay in Wakhtigan Qandaraasyadii iyo Diwaangalintii Codbixiyeyaashaba lagu dhawaaqo laakiin hadda uun baanu xogogaal u noqon wixii socda.”

SOMALILANDPOST.NET