Guddoomiye Cirro oo kulan la yeeshay Wefti ka socda hay’adaha aan Dawliga ahayn ee dalka Sweden

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kulan la yeeshay weftiga balaadhan oo ka socda dalka Sweden, kuwaas oo dalka soo gaadhay todobaadkii hore.

Weftiga oo ka tirsan Hay’adaha aan dawliga ahayn ee dalka Sweden oo muddo laba malmood ah safar indha indhayn ah ku joogi doonaya dalka, ayaa dorraad Khamiistii dalka soo gaadhay, waxaana hoggaaminayay Mr Abe Ibraahim oo ah maalqabeen asal ahaan ka soo jeeda Somailand oo muddo dheer deganaa dalka Sweden.

kulan4Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa weftigan oo ka kooban sagaal xubnood kulan casho ah kula yeeshay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa habeen hore, waxaanay xubnaha weftigu guddoomiyaha u soo bandhigeen ujeeddada uu daarran yahay socdaalkooda oo ay sheegeen mid la xidhiidha indho-indhayn iyo daraasadayn ay ku samaynayaan caasimadda.

Hoggaamiyaha weftiga Mr Abe Ibrahim oo ku hadlayey afka weftiga reer Sweden, ayaa sharxay ujeeddada safar ay ku yimaaddeen, waxa uu sheegay in kulankooda guddoomiye Cirro uu bilow yahay wada-shaqayn ay la yeelan doonaan Golaha Wakiillada.

kulan 6Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa weftiga uga mahad-celiyey kulankooda, waxaanu uga warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay iyo xaaladd wakhtigan, isaga oo uga mahad-celiyey socdaalka ay ku yimaaddeen dalka. Sidoo kale, Guddoomiye Cirro waxa uu soo dhaweeyay wada-shaqaynta ay kaga dhawaajiyeen weftigu inay la yeelan doonaan Golaha Wakiillada.

Xubnaha weftigan oo badankoodu yihiin Ajaanib u dhashay dalka Sweden balse ay ku jiraan shakhsiyaad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa safarkoodu noqonayaa kii ugu horreeyey ee ay ku yimaadaan dalka.

SOMALILANDPOST.NET