Guddoomiye Cirro oo ka Waramay Ujeedada Safar uu Ku Tagay Itoobiya

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna hoggaamiyaha mucaaradka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Cigaal, ka dib booqasho uu ku tagay wadanka Itoobiya oo uu kala kulmay soo dhawayn wanaagsan.

 

Md. Cirro, oo saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in Itoobiya oo uu kaga qayb galay xuska maalinta Qoomiyadaha dalkaas, uu sidoo kale kula soo kulmay madaxda dawladda Itoobiya iyo qaar ka mid ah safaaradaha wadamada reer galbeedka. “Waxa safarakayagu daarnaa martiqaad rasmi ah oo aan ka helanay dawladda Itoobiya oo ku saabsanaa inaanu ka qayb galno maalintii xuska qoomiyadaha Itoobiya oo ay ka qayb galaan madaxda Itoobiya, kuwa gobalka iyo kuwa kililaduba, waxa martigelintaas lanagu siiyay maamuus aad u sareeyay.” ayuu yidhi Cirro.

 

Isagoo ka hadlaya kulamadii uu Itoobiya ku soo yeeshay wuxuu yidhi “Waxaanu la kulanay madax ka tirsan dawladda federaalka Itoobiya, waxaanu la kulanay safaaradaha Addis Ababa ee Ingiriiska iyo Maraykanka. Waxa kale oo aanu martiqaad aanu ka helnay ku tagnay dawlad deegaanka Somalida Itoobiya oo aannu ku soo xoojinay xidhiidhka iyo cilaaqaadka Somaliland iyo dawlad deegaanka Somalida Itoobiya.

 

Md. Cirro oo la weydiiyay sida uu u arko murashixiinta u tartamaysa madaxweynaha iyo ku xigeenka ee xisbiga Waddani gudihiisa wuxuu yidhi “Waanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo madaxweyne iyo madaxweyne xigeen u tartamaysa ha ku soo dhawaato xisbiga Waddani.”

 

Somalilandpost.net
Hargeysa Office