Guddoomiye Cirro oo ka hadlay Xiisado ka aloosan Gobollada Galbeedka iyo Bariga dalka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (C/Raxmaan-Cirro), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladaha labadii toddobaad ee ugu dambeeyey ka taagnaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal iyo deegaanno kale oo gobolkaas ka tirsan, halkaasoo ay Xukuumaddu Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Boorama ku xidh-xidhay.

Guddoomiye Cirro oo ka hadlay Xiisado ka aloosan Gobollada Galbeedka iyo Bariga dalkaGuddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo, isagoo Xukuumadda u soo jeediyey inay xorriyaddooda u soo celiso Mudanayaasha ka tirsan Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

HALKAN KA DAAWO