Guddoomiye Cirro oo ka hadlay Sababta uu Madaxweyne Muuse Biixi ugu Raaci waayey Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka hadlay sababta uu uga mid noqon waayey weftiga madaxweynaha Somaliland ee ku sugan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu ka mid yahay guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Wada-hadalada Isbahaysiga Xisbiga KULMIYE Iyo Khilaafka UCIDMadaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hor intii aanu safarka ugu dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo marti-qaad u fidiyey, waxa uu gelinkii hore ee isla maalintaas isugu yeedhay isla markaana kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ee WADDANI & UCID iyo Shir-guddoonka labada Aqal Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada.

Haddaba, Guddoomiye Cirro oo maanta saxaafadda qaarkeed kula hadlay xafiiskiisa, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta uu madaxweynaha ugu raaci waayey dalka Imaaraadka. Waxa kale oo Guddoomiyuhu ka hadlay faro-gelin ay Dowladda Soomaaliya ku hayso Somaliland, gaar ahaan maalgeshiga shirkadda DP World ku samaynayso Dekedda Berbera.

HADALKA GUDDOOMIYAHA IYO FAAHFAAHINTA WARKAN, KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE