Guddoomiye Cirro oo Jawaabo Gaagaaban ka Bixiyey Su’aallo Laga Waydiiyey Xisbiga WADDANI

 

Hargaysa(SLpost)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay xaalada xisbigiisa iyo warar maalmihii u dambeeyay xisbiga WADDANI ka soo baxayay oo ku saabsanaa inuu kulammo la yeeshay  isbahaysiga Murrashixiinta Kulmiye oo hore u qaadacay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye. Sidoo kale waxa maalmahan soo baxayey warar sheegaya in musharax ku xigeenka xisbiga xafiiltan ka jiro oo guddoomiyuhu ka ololaynayo guddoomiye xigeenkiisa oo ah Axmed Muumin Seed.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ahna guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Ciro ayaa wax laga waydiiyay inuu kulamo la yeeshay Murrashixiintii Kulmiye qaadacay iyo ku xigeenkiisa, waxaanu sheegay in cid walba Kulamo la yeeshaan. Isaga oo su’aashaa ka jawaabayana waxa uu yidhi “Kullamada cid walba waa lala yeelan karaa, nimankaasi wali isbahaysi Kulmiye ah bay ku wali yihiin marka ay u soo diyaargaroobaan in ay WADDANI noqdaan, waannu wada hadli doonaa”Sidoo kale wakhti guddoomiye Cirro dalka ku soo laabanayay ayuu iftiimiyay inay telefoonka ku wada hadleen xubnaha mucaaradaya musharaxiinta Kulmiye.

Mar guddoomiyaha wax laga waydiiyey in uu musharaxa madaxweyne xigeen uu ka ololaynayo Axmed Muumin Seed waxa uu ku jawaabay “Axmed Waa Aasaasayaashii waanna saaxiibkay aasaasayaashii wax xafiiltan ah oo naga dhexeeyaana ma jiraan”

Ugu dambayn guddoomiye Cirro ayaan wali astayn ama sheegin wakhtiga oo si toos ah ugu beegan yahay shirka golaha dhexe ee xisbigiisu, waxaana uu ku gaabsaday “Wuu iska iman doonaa wakhtigiisa”

https://www.youtube.com/watch?v=WWfcRU49KB8