Guddoomiye Cirro oo Faahfaahiyey Natiijada Kulan Addis Ababa ku Dhexmaray Madaxweyne Biixi “Madaxweynuhu Shacabka ha u caddeeyo Kulankii Farmaajo”

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi ugu baaqay inuu si daah-furan shacabka ugu faahfaahiyey arrimihii lagaga hadlay kulankii magaalada Addis ababa ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa kaddib makii uu maanta ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Itoobiya, waxa uu sheegay maadamaa aanay xisbi ahaan qayb ka ahayn kulanka dhexmaray labada madaxweyne inay dhankooda ugu baaqayaan Md Muuse Biixi inuu si faahfaahsan uga xog-bixiyo kulanka dhexmaray Farmaajo iyo Arrimaha Lagaga Hadlay.

Guddoomiye Cirro iyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa, waxaanu sheegay inay madaxweynaha ka wada-hadleen arrimo la xidhiidha muranka siyaasadeed ee ka taagan Guddiga Doorashooyinka oo uu sheegay inaanay wax is-afgarad ah ka gaadhin.

Warkan oo faahfaahsan iyo Guddoomiyaha oo ka hadlaya labadaas Qodob kaga bogo muuqaalka Hoose