Guddoomiye Cirro oo Difaacay Xaqiiqada Warbixin Musuq-maasuq oo Hay’adaha dawladdu ka Qayliyeen oo Guddi Golaha Wakiillada ka tirsani Soo Saartay

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay jiritaanka Warbixin ay Guddiga daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka ee Golahaasi soo saareen todobaadkii hore oo ka shiftay maamul-xumo iyo musuqmaasuq ay sheegeen inay Hay’adaha dawladda qaarkood ragaadisay, waxaanu Guddoomiyuhu difaacay xaqiiqada Warbixintaas oo uu sheegay inay Guddigu u hayaan caddaymo maqal iyo muuqaal-ba isugu jira, ka dib markii ay ka qayliyeen, Shirar jaraa’id oo ay ku beeninayaanna qabteen Masuuliyiinta Hay’adaha Warbixintu taabatay.

CIRROGuddiga daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa toddobaadkii hore soo saaray Warbixin shaaca ka qaadday Musuqmaasuq iyo Maamul-xumo baahsan oo ay sheegeen inay ku ogaadeen Baadhis iyo Xog-ururin ay Guddigu muddo samaynaysay, musuqaas iyo maamul-xumadaas oo ay sheegeen inay ragaadisay hay’ado badan oo dawladda ka tirsan, waxaana Warbixintaas ka qayliyey oo Shirar Jaraa’id oo ay ku beeninayaan qabtay Masuuliyiinta Laamaha dawladda ee ay Warbixintani saamaysay. Waxaanu Cabdiraxmaan-Cirro sheegay in Warbixintan oo ah tii ugu saamaynta badnayd ee ay Guddigani sameeyaan go’aammo Gole laga soo saar doono dhawaan sida uu Sharcigu u oggol yahay Golohoode.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro oo uu Waraysi gaar ah siiyey Sidiiq Maxamed Birmad oo ka mid ah Weriyeyaasha ka hawlgala Radio Hirad, waxa uu Cirro ku weydiiyey su’aalo kala duwan oo xiiso badan, kuwaas oo uu dhammaantood ka jawaabay.

Ugu horreyn-na waxa uu Guddoomiye Cirro oo la weydiiyey awoodda la xisaabtanka Masuuliyiinta dawladda ee Golaha Wakiilladu leeyahay, waxaanu ku jawaabay; “Dawladdu waxay ka kooban tahay saddex Waaxood oo kala madax-bannaan sida Dastuurku qeexay, oo kala ah Fulinta ama Xukuumadda, Baarlamaanka oo ah Sharci-dejinta iyo Garsoorka oo ah Maxkamadaha, Xukuumaddu waa Waaxda fulinta ee qaabbilsan hawlaha Qaranka inay fuliso, Baarlamaanku Sharci-dejinta ka sokow waxa uu leeyahay daba-gal Baarlamaannada adduunka oo dhan, Waaxda ilaalinta Hantida Qaranka ayuu leeyahay Goluhu, Waaxaha oo dhani way qaabbilsan yihiin, laakiin Guddibaa gaar u qaabbilsan.”

Waxaanu Guddoomiyaha Wakiillada oo sii wata jawaabtiisa intaas ku daray oo yidhi; “Guddigu waxay ku tageen Kormeer gobollada inta badan oo ay ka soo bilaabeen Awdal, Gabiley, Hargeysa, Saaxil, Togdheer, gobollada inta hadhsanna cid xog-ogaal ah ayay ka waraysteen ama Taleefanno ayay kula hadleen. Muddadaa ay marayeen waxay la kulmeen Masuuliyiinta, Masuuliyiinta gobollada waxa ugu sarreeya Badhasaabbada oo ay la kulmeen, waxay la kulmeen Isu-dayaasha Wasaaradaha u metela gobollada, waxay ka soo duubeen Warbixinno qoraal ah iyo kuwo muuqaal ah intaba, kuwaasoo ay ku muujinayeen warbixinahooda, cabashooyinkooda iyo tabashooyinkooda, markaas iyagoo qoraal ah way hayaan, iyagoo Muuqaal iyo Cod ah oo la maqlayo hadalladoodana way hayaan Guddigu.”

“Guddiga Macneheedu ma ahayn inay cid gaar ah u socotay oo ay warbixinta ula jeedday inay cid gaar ah ku cambaarayso, laakiin xilkeeda Dastuuriga ah ayuun bay gudanaysay. Baarlamaanku marka hore waxa uu soo saarayaa waa Baraarujin, Wasiir baa la ceebaynaya maaha, waxa looga jeedaa in wax la saxo. Ta labaad, Baarlamaanku arrimaha dabagalka wuu sii wadayaa ama cidi ha beeniso ama yey beenin, qofku xaq buu u leeyahay inuu ka hadlo hadduu wax dareemo, laakiin daba-galku waa soconayaa. Waxa kale oo Baarlamaanku soo saari karaa go’aanno iyo talo-soojeedin.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; “Waxa uu xaq u leeyahay Baarlamaanku Wasiirrada iyo Isu-dawayaasha Qoraal buu u gudbiyey, wixii laga saxayo ee cidi dood ka qabi karto, way ka qabi kartaa. Laakiin, mar walba Baarlamaanku wuu sii wadayaa hawshaas, waa waajib isaga saran, go’aannadiisana wuu ka soo saari karaa arrintaas haddii loo baahdo. Markaa, go’aannadaas ayuu Baarlamaanku ka soo saari doonaa wixii dabagalka ku saabsan.”

Waxa Guddoomiye Cirro oo la weydiiyey inuu Baarlamaanku muddada uu jiray ee uu Guddoomiyaha ka ahaa tahay ku dhawaad toban sano, isla markaana welina aanay jirin wax go’aan ah oo Goluhu ka qaatay Wasiir uu u yeedho oo la dhegaysto mooyaane, sidaa darted waxa ay tahay waxa ka hor-taagan go’aannada sharcigu siinayo, waxa uu yidhi; “Sidaan kuu sheegayo cid gaara oo lagu duulayaa ma jirto, laakiin waa arrin daba-gal ah, Guddigu waa Warbixintii ugu horreysay ee sidan ah inta Goluhu jiray, markaa Warbixintaa waxa la soo jeediyey in go’aanno laga sameeyo, go’aannadiina waan sugaynaa haddii ILLAAHAY yidhaahdo.”

Sidoo kale, Cirro oo la weydiiyey inaanay arrintu keliya Warbixintan uun ahayn, hase-ahaatee, ay ugu yeedhaan Wasiirrada Xukuumadda tuhunno la xidhiidha arrimo Musuqmaasuq ama hawlaha Wax-qabad ee Wasaaradda uu Wasiiirka loo yeedhayaa jooga ama gudasho ama gudasho la’aanta waajibaad shaqo, balse waxa uga soo baxa aanay jirin go’aan ay ka soo saaraan ama cid ay arrintooda u gudbiyaan toona maxay tahay sababta looga yeedhayaa haddii aanay is-beddel keeni karin?  Waxaanu yidhi; “Wasiirrada tuhun iyo musuqmaasuq oo keliya looguma yeedho, Wasiir marka loo yeedhayo waxa loogu yeedhaa hawsha uu Qaranka u hayo oo uu ka war-bixiyo, marka la ogaado su’aalo waa la weydiin karaa, go’aanna waa laga soo saari karaa, markaa xaq buu u leeyahay Baarlamaanku inuu Warbixintaa go’aan ka soo saari karo.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo la weydiiyey waxa ay go’aammada Warbixinta laga soo saarayaa noqon karaan, in Maxkamad loo gudbinayo, in cid kale loo gudbinayo iyo in Baarlamaanku fulinayo, waxa uu ku jawaabay;  “Baarlamaanku Maxkamad maaha oo waxba ma xukumo, balse Baarlamaanku go’aammada uu soo saaray daba-gal dheeraad ahi haddii loo baahdo wuu ka dhalan karaa, Baarlamaannada adduunka oo dhamina sidaas bay u shaqeeyaan, Xukuunnada iyo waxaas Qaranka Hay’ado gaar ah baa u qaabbilsan oo kuwaas ayaa leh.”

Hase-yeeshee, Cirro oo la sii weydiiyey Ciddii Hanti dawladeed inay cuneen Baarlamaanku soo bandhigay miyaanay ahayn in tallaabo laga qaado oo Hay’adaha Sharciga ah u gudbisaan? Waxaanu ku jawaabay; “Haddii markaa lagu caddeeyo oo Warbixintu dhantay waxay ila tahay ciddii markaa go’aanka fulinaysay waa in loo gudbiyaa.”

Sidoo kale, Cirro oo ka jawaabayey su’aal ahayd; haddii Hanti-dhawrkii Qaranka ee aad la kaashan lahaydeen baadhitaannada noocan ah in Baarlamaanku sheegay inay Musuqmaasuq galeen, xaggeed markaa ka helaysaan Gar? Waxaanu yidhi; “Hay’adda Hanti-dhawrku waa Hay’ad sida Dastuurku qorayo Madax-bannaan, hawsheedana way u madax-bannaan tahay, Hay’adda baadhitaanka u qaabbilsan Qaranka weeye, warbixinteedana waa inay u soo gudbisaa Golaha Wakiillada. Guddigu Warbixinta way u madax-bannaanaayeen, iyagaa soo qoray, iyagaana soo jeediyey, Warbixinta Hanti-dhawrka waxaan isleeyahay waxaannu nahay laba Hay’adood oo haddii madmadaw jiro waa la sixi karaa. Laakiin, waannu jecelnahay iskaashiga ka dhexeeya Hanti-dhawrka iyo Golaha inuu sii jiro, wixii mugdi ah ee jirana meesha laga saaro haddii Illaahay yidhaahdo.”

Mar Guddoomiyaha Golaha Wakiillada la weydiiyey in muddadii Golaha Wakiilladu jiray Warbixintan oo keliya inta muuqata ay soo saareen, sidaa awgeed inay jiraan caqabado dhinaca la xisaabtanka dawladda ka haysta iyo in kale waxa uu yidhi; “Guddiyada Golaha Wakiilladu way madax-bannaan yihiin, Wasiirka ay doonaan iyagaa u yeedha, xilliga ay Warbixinta soo saarayaan iyagaa u madax-bannaan, markaa cid nagu xukuntay inaannu Warbixin keliya soo saarno ma jirto, Warbixinnada Goluhu soo saarayna way badnaayeen ee tan oo keliya maaha, waxa laga yaabaa tani inay waxoogaa xasaasi ahayd, laakiin Warbixinnada Guddiyada Goluhu soo saaray way tiro badnaayeen, ee tani way ka qaylo badnayn.”

Gebogabadii Waraysigan waxaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland lagu weydiiyey haddii uu dalka Madaxweyne ka noqdo maaddaama oo uu u sharraxan yahay jagadaas, waxa uu ka yeeli doona dhinaca la xisaabtanka, waxaanu ku jawaabay; “Waxaannu jecelnahay in haddana la xisaabtamo, haddaannu waddanka Xukunkiisa qabannana nalala xisaabtamo oo la xisaabtankaa maanta bilaabmay uu sidiisa u sii socdo, waanan soo dhawaynaynaa.”