Guddoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Soomaaliya ku dhaliilay sida ay uga Falceliso Guulaha Dubloomaasiyadeed Somaliland

Nairobi (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADAJIR ee dalkaasi Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa dowladda Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inay ku deg-degtay go’aanka ay xidhiidhka ugu jartay dowladda Guinea ee Galbeedka qaaradda Africa oo uu sheegay inaanay jirin wax xidhiidh dibloomaasiyadeed ah oo xilligan ka dhexeeya.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay shaacisay inay xidhiidhka u jareen dalka Guinea oo ay ku eedeeyeen inuu meel kaga dhacay midnimada Soomaaliya, kaddib markii uu dalkaas booqasho ku tagay madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey.

 

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa kale oo dowladda Soomaaliya ku eedeeyey siyaasad xumo ay kaga falcelisay xidhiidhada dibloosiyadeed ee dowladda Somaliland la leedahay waddamada Mandaqadda Geeska Africa iyo soo-dhawaynta weftiyada Somaliland ka heleen dalalka Ethiopia, Kenya iyo Djibouti.

 

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADAJIR waxa uu arrimahan kaga hadlay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook.

 

Faahfaahinta warkan kaga bogo muuqaalkan Hoose