Guddoomiyahii Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Oo Is Casilay

Hargeysa(SLpost)-Xasan Waraabe Cade oo ahaa guddoomiyaha xidhiidh ciyaaraha fudud ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaas iska casilay shalay, waxaanu dhalinyarada reer Somaliland u soo jeediyay inuu sidii hore ula sii shaqayn doono, waxaanu rajeeyay in mar uun Somaliland  ay gaadhi doonto wakhti ay ciyaaraha ahmiyad weyn siiso qoraal kooban oo arimahan uu kaga hadlaayay Xasan Waraabe Cade waxa uu ku yidhi“Anigoo Ah Haldoor Hassan Waraabacadde Waxaan si buuxda iskaga casilay Gudoomiyanimada Olymbiga shalay oo taariikhdu ahaayd 22.9.2015.

download

Waxaan cadeeynayaa in aan dhalinyaradda sidaaydii hore ee aan ugu adeegi jiray si mutadawacnimo ah aan ugu adeego wax kastana aan la qabto kamana caajisaayo maadaama aan u soo adeegay 21 sanadood. Waxaan u rajeeynayaa in qarankeenu uu maalin maalmaha ka mida ahmiyadda koobaad  siin doono dhalinyaradda iyo cayaaraha.”